Jaaliyadda Soomaalida Holland oo isugu timid kulan ay kaga qeybqaadanayaan gurmadka abaaraha

Yoobsannews Online, Isniin, 20 Maarso: Kulan ay soo qabanqaabisay dalladda FSAN oo ay ku middeysan yihiin Jaaliyadaha ugu badan ee Soomaalida Holland, ayaa shalay ka dhacay Magaalada Haarlem, waxaanna kulanka oo ay ka soo qeybgaleen shaqsiyaadka hormuudka u ah Soomaalida looga hadlay sidii Jaaliyadaha Soomaalida kaga qeybqaadan lahaayeen gurmadka loo sameynayo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay abaaraha.

Guddoomiyaha dalladda FSAN Dr. Cali Waare oo ka hadlay kulankaasi ayaa ku baraarujiyey Jaaliyadaha Soomaalida Holland in ay garab istaagaan dadka Soomaaliyeed ee ku tabaaloobay abaaraha.

Cali waare
“Abaartani waxeey kaga duwan tahay kuwii hore ee dalka soo maray meel walba ayeey saameyn ku yeelatay, waxba ma reebin dad & duunyo intaba, annaga oo dalkan nabadda ah joogno oo aynaan maanta ka fikireyn wixii aan cuni laheyn inaan ku fiirsano walaalaheena tarab-tarabta ugu le’anaya ma ahan wax u wanaagsan adduunkeena & aakhiradeena, waxaan ku baaqayaa in annaga oo isku duuban aan garab istaagno walaalaheena” Ayuu yiri Dr. Cali Waare, isaga oo dhinaca kalena u mahadceliyey dadkii Gobolada fogfog ka yimid ee ajiibay casuumaadii ay u direen.

Cali Waare, waxaa kale oo uu sheegay inuu hubo in Soomaalidu ay siyaabo kale duwan kaga qeybqaadanayaan gargaarka loo dirayo dadka abaaruhu saameeyeen, haddana kulankani uu yahay mid si wadajir ah looga wada qeybqaadanayo gurmadka.
“Dareenka ayaa ina faraya inaan isweydiino mushtamac ahaan maxaan geysan karnaa, yaase la kaashan karnaa.?” Ayuu yiri Waare, wuxuuna ku tilmaamay Soomaalida dad isu-tura, isuna damqada, ayna leeyihiin sifooyinka ugu wanaagsan ee ka marqaati kacaya insaanimada wanaagsan.

Eng Xandule

Eng. Xandulle, Dr. Cumar & Shiikh Maxamed Idiris oo ka mid ahaa waxgaradkii kulankaasi ka hadlay, ayaa dhinacooda ku baraarujiyey Soomaalida in ay isu naxariistaan, isla markaanna qof kasta inta ay awooddiisu la’eg tahay uu ka qeybqaato gurmadka abaaraha.

Kulanka intii uu socday waxaa la uruuriyey lacago gaareysa $10.000, waxaanna lagu balamay in ka soo qeybgalayaasha ay xil-iska saaraan in billaabaan olole dadka lagu gaarsiinayo farriinta ku saabsan in ay laga qeybqaato abaarta.


shir shir1 shir22 shirr

 

C/raxmaan Maxamed Guurre
E-mail: cguure@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

Share Button