Waa kee ninka Adduunka ku soo kordhiyay Luqad sawireedka ‘Emoji’ ee aadka loo isticmaalo?

Emoji, waa sawirro yar yar oo lagu dhex daro fariimaha qoraalka ‘Pictographic writing’ ee shabakadaha lagu wada sheekeysto ee dhinaca Internet-ka iyo farriin qoraaleedyada taleefoonnada casriga ah.

Halgan dheer ayaa loo soo maray in maanta Emoji la keeno heerka ay joogto, waxaana haatan maalintii dadka Internet-ka isticmaala isu diraan 6 Bilyan oo sawir qoraaleed ah.

Weji faraxsan, mid murugeysan, mid qoslaya, mid jiifa, fargeeto, middi, saxan, fiyoore iwm ayaa ka mid ah sawirrada Emoji ee ku jira shabakadaha dadweynuhu ku xiriiraan ee Internet-ka.

Yaa lahaa fikirka aas-aasidda sawirrada Emoji?

Sanadkii 1999-kii, wiil dhallinyaro ah oo 25 jir ah oo u shaqeynayay shirkadda taleefoonnada NTT doCoMo ee Waddanka Japan oo lagu magacaabo Shigetaka Kurita, ayaa sameeyay sawirradii ugu horreeyay ee Emoji oo gaarayay 176 sawir oo uu muddo bil ah ku aas-aasay kuwaasoo uu ku soo daray taleefoonka shirkaddaasi dadkuna bilaabeen inay isu diraan.

Durbadiiba Emoji waxa uu qabsaday caalamka, waxaana shirkadaha waaweyn ee Google iyo Apple ay taleefoonnadooda ku soo dareen adeegga Emoji, kaasoo qofku ku cabiri karo xaalkiisa isagoo riixaya sawir ka tarjumaya waxa uu samaynayo, haddii uu cunto cunayo ama haddii uu ciyaarayo.

Kurita ayaa sawirradiisa Emoji ee uu isagu dunida ku soo kordhiyay waxaa bishii Agoosto 2017, laga sameeyay filim Hollywood ah oo la magac baxay ‘The Emoji Movie’ kaas oo diyaarisay shirkadda SONY pictures, iyadoo sidoo kalena Mutxafka Farshaxanka casriga ah ee Magaallada New York ee Mareykanka lagu soo bandhigay sawirrada casriga ah ee Emoji.

Shigetaka Kurita ayaa dhowaan u dhoofay New York, waxaana uu booqday mutxafka magaalladaasi si uu u soo arko sawirradii uu isagu aas-aasay oo halkaa lagu keydiyay, waxaana isagoo faraxsan uu yiri: “Halkaas ayaan ku soo arkay sawirradeydii, waana wax aan ku lug leeyahay, inkastoo aan ahayn Aartiiste ama qaabeeye toona”.

Sawirrada asliga ah ee Emoji ee Kurita ayaa lagu soo bandhigay mutxafka Farshaxanka casriga ah ee New York.

23334188_2013646955521377_9097930210451449548_o 23376550_2013646942188045_5039072667208608939_n 23415158_2013646975521375_2137218273473325858_o

Waxaa diyaariyay:
Haaruun Yuusuf Khasaaro

Share Button