Boqoradda Ingiriiska oo billad qaali ah guddoonsiisay Mo Farah

Laacibka ciyaaraha Olumbikada adduunka Maxamed Faarax ayaa maanta la guddoonsiiyay billad qaali ah oo ay bixiso boqoradda dalka Ingiriiska Queen Elizabeth.

Billadda oo ah tan ugu qaalisan ayaa ah mida lagu bixiyo derejada Sir oo ah “Mudane”, wuxuuna Mo Farah oo ay la socotay xaaskiisa ugu waramay Saxaafadda xarunta Bucking Hampalace ee guriga Boqoradda dalkaasi Ingiriiska.

“Runtii aniga weligey kuma fekerin inaan la kulmo Boqoradda dalka Ingiriiska, aad ayaana ugu faraxsanahay billadda la i guddoonsiiyay” ayuu yiri Sir. Mo Farah oo sheegay in billadani uga qaalisan tahay billadihii uu horay ugu guuleystay ciyaaraha Olympicada adduunka.

 

Share Button