C/qaadir Nuune “Mushtamaca Soomaalida [Zwolle] waxeey muujiyeen midnimo iyo isku duubni” [SAWIRRO]

Amsterdam: 15 April, Yoobsannews Online: Xaflad lagu sheegay in ay aheyd dhoolatus ayaa shalay lagu qabtay Magaalada Zwolle ee waddanka Holland, halkaas oo Guddoomiyaha Guddiga Jaaliyadda C/qaadir Cali [Nuune] ku soo bandhigay taageerida ay u hayaan qeybo ka mid ah bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan Zwolle & deegaanada ku dhowdhow, waxaanna xafladda ka soo qeybgalay waxgarad isugu jira aqoonyahanno, odayaal, haween, dhalinyaro & fannaaniin caan ah.

Xafladdan, ayaa ku soo beegantay xilli uu soo shaac baxay kala qeybsanaan soo kala dhex-gashay aas-aasayaashii Guddiga oo 2 garab u kala jabay.

Guddoomiyaha Jaaliyadda C/qaadir Nuune oo xafladdaasi khudbad dheer ka jeediyey ayaa ku nuuxnuuxsaday in Jaaliyadu ka gudubtay xilligii ay aayaheeda u hoos fadhiisaneysay shaqsiyaad koobban, wuxuuna xusay in Soomaalidu dooratay Guddi cusub oo si hufnaan & cadaalad ah waajibkooda u gudanaya.

“Soomaalidu ku dhaqan Zwolle & nawaaxigeeda doorasho loo dhan yahay ayeey u dareertay waxeeyna u codeeyeen shaqsiyaadkii ay doonayeen, madasha doorashada waxaa fadhiyey xubno ka socday xisbiyadii dalkan oo daawanayey habka dimuqoraadiyada ah ee ay Soomaalidu u dooratay hogaankeeda,  weli doorashadii ka dhacday Zwolle mid la mid ah kama dhicin dalkan Holland, dhowr shaqsi oo guri isku xiray u joojin meyno shaqadii na loo igmaday” Ayuu yiri C/qaadir Nuune, wuxuuna intaasi ku daray in isagu aanu magac & dhaqaale doon aheyn, ee waxa dhaqaajinaya ay tahay in aqoon & waayo-aragnimo inta uu leeyahay inuu dadkiisa ugu adeego.

 “C/qaadir Cali Nuune wuxuu leeyahay shaqsiyadda luqada English-ka lagu yiraa [3 :00 AM Friend] waa shaqsi hooyooyinka Soomaalida ah dhibaatada la qeybsada, una gurmada, waxaa doonaya in ay la tartamayaan dad u dhaqmaya sida dutch-ka, oo haddii ay Soomaalidu wacaan ku leh, ha na soo wicinna adinkoo aadan balan na la sameysan, halka Nuune haddii guri Soomaaliyeed ay caawa saddexda habeenimo wax ka dhacaan uu baabuurkiisa soo qaadanayo” Ayuu yiri Yuusuf Maclow oo ka mid ah odayaasha Jaaliyadda, wuxuuna intaasi raaciyey in Jaaliyadu ay si buuxda u taageersan tahay guddiga uu hogaamiye Nuune.

Madasha waxaa sidoo kale ka h adlay Cabdi Nuur Faarax [Guddoomiye ku-xigeen], Cabdullaahi Maxamed [Xisaabiye], Cabdullaahi Cali [La-Taliye] & qaar ka mid ah odayaasha.

Xafladda dadkii ka soo qeybgalay waxaa ka mid ahaa; Maxamed Ibraahim [Jumbur] Cabdullaahi Xassan [Dhuudhi], Cabdullaahi Ciise, Maxamed Macco, Yuusuf Maclow, Maxamed Weli, Maxamuud Wayrax, Ugaaso, Fathiyo,

Fannaaniin ay ka mid ahaayeen Faadumo Shiino & Maxamed Matoito ayaa heeso waddani & jaceyl ah ku madadaalinayey dadkii ka soo qeybgalay xafladda.

Xuquuqda sawirada waxaa iska leh; Bashiir Jiilaal Barow.

30707981_1729433383769313_8072536907101241344_n

30705070_1729433170436001_137979797228748800_n 30706219_1729433707102614_6369803749736579072_n 30707981_1729433383769313_8072536907101241344_n 30709001_1729433727102612_3730235098654572544_n 30714227_1729433333769318_5134776940175032320_n 30724254_1729433450435973_8096260828975595520_n 30725618_1729433290435989_707923185768595456_n 30726668_1729433803769271_8227183539670482944_n 30738362_1729433200435998_6063035568885858304_n 30739719_1729433787102606_4737414430034231296_n30707981_1729433383769313_8072536907101241344_n

 

 

Share Button