Cabbaas “Guuritaanka Soomaalida waxaa u sabab ah Nederland waa dal sharciyadeedu aad u badan ” [WAREYSI]

Cabbaas Nuur Cali oo ka mid ah aasaasayaashii Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Zwolle & nawaaxigeeda, ayeey inoo suurtagashay in aanu ku booqano xafiiskiisa, lana yeelano wareysi ku saabsan mushtamaca Soomaalidaa ee ku dhaqan Holland, waxaana uu wareysigaasu u dhacay siddatan:-

Su’aal: Si koobban taariikhdaada.?

 

 

Cabbaas: Waxaan ku dhashay Muqdisho 1969-kii, waxaan ka soo baxay dugsiga hoose/dhexe Gaheyr [X/jajab], dugsiga sare waxaan dhigtay Ex. Iskuulkii Badda. Kaddib waxaan soo aaday qurbaha, laga soo billaabo sannadkii 1990-kii waxaan ku noolaa dalka Nederlands, gaar ahaan magaalada Zwolle [Gobolka Overijsel]. Imaatinkeygii NL kaddib.

⦁ Waxaan bartay luqada NL.

⦁ Waxaan bartay culuunta “Middelbaar economisch en administratief onderwijs” oo loo soo gaabiyo  [Meao].

⦁ Waxaan sidoo kale qaatay shahaadada HBO oo u dhiganta [Bechelor].

⦁ Waxaan ku taqasusay oo aan Bechelor ka qaatay “Finance en control”.

⦁ Waxaan sidoo kale shahaado ka qaatay culuunta maamulka & maareynta.

 

 

Su’aal:  Marka aad isbabar dhigto xilligii aad dalkan timid  & waqtigan ma is leedahay fursadihii jiray waa la heli karaa, ama xiligan ayaa fursad fiican.?

 

 

Cabbaas: Fursadihii markaas jiray weli waa jiraan, iyaga oo weliba hadda ka sii badan; Adduunka wuxuu fahmay in ajnabiga qaxootiga ah  ay bulshada wax ku soo kordhin karaan, waxeey ku xiran tahay qofka sida uu u raadiyo fursada iyo dedaalkiisa. Dalkan wax badan ayaa laga baran karaa qof ay ka go’an tahay inuu wax barto, waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga barto waxaa ka mid ah, cilmiga beeraha, dhismaha, caafimaadka iyo wax walba oo mustaqbalka dhow uu qofku ku shaqeysan karo.

 

 

Su’aal: Qofka dhalinyarada ah ee qaba hamigii aad adigu qabtay dhowr iyo 20 sanno ka hor, ee doonaya inuu qaado dariiqii aad horay u soo martay, maxaa tallooyin ah oo aad siin laheyd.?

 

 

Cabbaas: Waxaan siin lahaa, inuu sameeyo wax la yiraa [focous] una jeesto ujeeddada uu leeyahay keliya, iskana daayo waxa ay dadku ku yiraahdaan, isaga oo wax walba ka hormarinaya hamigiisa, taas ayaa saldhig u ah guusha qofku ka gaari karo waxbarashada & camalka uu markaas diirada saarayo.

 

 

Su’aal:  Waxaa jirta, su’aalo dadku ay inta badan isweydiiyaan, oo ah; Soomaalidu marka ay dalkan Holland sharciga ka qaataan maxeey kaga guuraan.?

 

 

Cabbaas: Soomaali haddaan nahay markeenii hore’ ba waxaan aheyn dad reer guuraa ah, haddana dabeecad u leh jiil ba jiilkii ka horreeyey inuu raaco, aniga guuritaanka waxaan oran karaa waxaa u sabab ah  Nederland waa dal sharciyadeedu aad u badan yihiin, dadka Soomaalida ah waxeey jecel yihiin dalalka habraaca sharcigoodu fudud yahay sida  sida UK ama Afrika. Teeda kale, waxaan dabeecad u leenahay [short term vision] oo aan rabno inaan si dhaqsi leh wax ku barano, horumar ku sameyno, isuna bedelno taasina mararka qaar waa adkaaneysaa in dalkan oo kale ay riyadaas ka hirgasho.

 

 

 

Su’aal: Maxeey tahay caqabadaha ku keliga ah caruurta Soomaalida ah, ee wax ka bartay iskuulada dalkan? waxaa dhif & naadir ah inaad aragto caruurta Soomaalida in ay waxbarashada ka gaaraan heer Jaamacadeed.?

 

 

 

Cabbaas: Dhowr jeer ayaa baaris ku sameeyey maxaa dib u dhaca ugu wacan ubadkeena.? Dhibaatada ugu weyn waxeey tahay waalidiinta oo ilmahooda marka ay dhiganayaan dugsiga hoose aan ka warqabin heerka waxbarasho oo ilmuhu gaarsiisan yahay, taasoo sababeyso in caruurtii ay ku billaabo “achterstand” dib u dhac dhanka luqada, maadaama gurigii aan looga hadleyn luqada Nederlands, marka uu gaaro fasalka 8-aad ee la iska diraayo dugsiyada kala duwan ha ugu hooseeyso midka [practijk onderwijs] hana ugu sareyso [VVO] oo ah heerka Jaamacadeed. Maadaama ardaygu uusan luqada ku fiicneyn, isla markaana aanu helin caawimaad ku filan, ardayda Soomaaliyeed waxaa loo diraa iskuulada hoose ee aan lagu aadin heer Jaamacadeed, dhaliishaasna waxaa iska leh waalidka.

 

 

 

Su’aal: Marka laga tago dhanka waxbarashada ma jiraan dhibaatooyin kale oo ku gaar ah Soomaalida.?

 

 

 

Cabbaas: Waa jiraan, waxaad arkeysaa dhalinyarada halkan deggan in aysan laheyn dariiq isbeddel ah oo ay ku aadayaan waxbarasho ama shaqo fiican, intooda badan ay yihiin dad ku wareeray 2-dii dhaqan, waxaa halkaas kaaga muuqato jiil dhumay, teeda kale, waxaa jira markaan u leexdo dhanka dadka waaweyn ma haystaan tasiilaadka dadkii halkan nagaga soo horreeyey Turkida & Marrokaanka haystaan, sida meesha lagu xanaaneeyo.  Haweenku xittaa ma haystay inkaaniyaad dabooli kara baahidooda, taasina waxeey keentaay in qoyskii uu burburo, taasina waa tan keentay in qoysaska Soomaalidu burburaan.

 

 

Su’aal: Cilmi baaris lagu ogaado sida dadka ajnabiga ah ee dalka Holland yimid ay uga faaídeysteen  fursadaha dhanka waxbarashada & shaqooyinka oo la sameeyey, waxeey Soomaalidu ka gashay kaalimaha ugu hooseysa, cilmi-baaristaas waxaa sameeyey hay’ado madax-bannaan, maxaa u sabab ah ayaad is leedahay in Soomaalidu ay heerka sidaa u hooseeya ay ka gaarto waxbarashada shaqooyinka.?

 

 

 

Cabbaas: Waxaa ugu weyn waa waxbarasho la’aanta haysata dadkeena iyo hamiga ku saleysan waqtiga kooban, iyo in aysan jirin cid Soomaali ah oo iska xilsaareysa warbixinada been abuurka ah ee ay soo saarayaan hay’adahaasi, oo ay dhici karto in xogahaasi ay ka soo xigteen dhinac keliya.

 

 

 

Su’aal: Waxaa jirta arrin welwel fara badan ku haysa qoysaska muslimiinta, gaar ahaan waalidiinta Soomaalida ah, arrintaas oo ah dhaqan-doorsoomid ku dhacday ubadkii Soomaaliyeed, oo aad arkeyso in badan oo ka mid ah in dhaqankii & diintii ay gabaabsi  ku sii tahay, kuma lihi maxaa u sabab ah; waxaase ku weydiinayaa siddee loo daba-qaban karaa dhaqan guurka innagu dhacay.?

 

 

 

Cabbaas: In ummadda Soomaaliyeed ay yeeshaan hogaan ay ku middeysan yihiin, oo difaaca qiyamkooda; sidoo kale in la helo dad hufan oo aqoon iyo karti leh oo bulshada dhexgeli kara, ogaan kara dhibaatooyinka dhaqan ee ina haysta, wacyigelin badan u sameyn kara bulshada. Soomaali haddaan nahay dhibaatada na haysata waxeey tahay ama dalkii aan joogno ama qurbaha aan joogno waan ku yaq-yaqsoonaa danta guud, waxaan xoogga saarnaa danta gaarka ah, inta qof waliba uu tiisu u cararayo horumarku wuxuu inoo jiraa inta cirku inoo jira, waxaa wax lagu goyn karaa midnimo.

 

 

 

Su’aal: Waxaad ku nooshahay magaalada Zwolle oo ay ka dhisan tahay mid ka mid ah Jaaliyadaha Soomaalida ugu qadiimsan, adigu waxaad ka mid aheyd dadkii aasaasay, maanta Jaaliyadu waxeey u kala qeybsan tahay 2 garab, garab ay ku mideysan yihiin inta ugu badan Jaaliyada oo uu guddoomiye ka yahay C/qaadir Nuune & Garab uu madax ka yahay Axmed Hayaan oo ah shaqsi aqoonyahan ah; ma inoo faahfaahin kartaa waxa khilaafkan dhaliyey & sababta xal loogu heli la’ yahay.?

 

 

 

Cabbaas: Khilaafka waxaa dhaliyey is afgaran waa ka dhashay Axmed Hayaan & C/qaadir Nuune, haddii khilaafku yahay wax shaqsi ah xal looma heli karo, hadduu khilaafku yahay danta & maslaxada soomaalida waxaan oran lahaa waxyaabaha aan isku khilaafsanahay aan iska deyno, oo waxyaabaha aan ku middeysanahay aan isla qabano, kana hormarino danta gaar ah. Dadkii ayaa u kala baxay dad kala raacsan 2-da dhinac, sababtaas waxeey dhalisay in xal loo waayo dhexdhexaadinta & middeynta Ururka Jaaliyadda.

 

abbas

 

 

Share Button