Dr. Kunle Olajide “Waxaan cabsi ka qabaa qeybo ka mid ah Nigeria in ay noqoto Soomaaliyadii 2-aad”

Dr-Kunle-Olajide-1[1]


Legos-Nigeria [Yoobsannews Online] Dr. Kunle Olajide  oo xoghaye guud  ka ah golaha odayaasha Yoruba ee dalka Nigeria, ayaa muujiyey cabsida uu ka qabo in amni xumada ku soo korodheysa qeybo ka mid ah dalka Nigeria in ay horseedo in Nigeria ay noqoto Soomaaliyadii 2-aad.

“Xaaladda halkan ka taagan waxeey u muuqata mid welwel badan nagu abuureyso, waxgarad ahaan waxaa inoo muuqata Nigeria in ay dhiig-baxeyso, markii hore annaga oo la daala-dhaceynay weerarada Boka-haram hadda waxaa ku soo darsaday kooxda dadka rayidka ah gumaada [herdsmen] iyo shufto hubeysan” Ayuu yiri Dr. Kunle Olajide.

Soomaaliya, ayaa noqotay dal  ay tusaalooyinka xun xun ee  colaadaha, argagixisada & amni xumada   u soo qaadataan shaqsiyaad kala duwan oo ay ku jiraan madaxweynayaal, iyada oo aysan muuqan ififaalo lagaga dabaaqtamayo magac xumida dhabarka loo saarayo Soomaalida.

 

 

Share Button