AUN MADAXWEYNE C/LLAAHI YUUSUF BUUGGIISII HALGAN IYO HAGARDAAMO MUXUU KA YIRI SIYAASADDA ITOOBIYA EE SOOMAALIYA

BUUGGA

SIYAASADDA DHABTA AH EE DAWLADDA ITOOBIYA 

Weligeey ma illaawin maahmaah Itoobiyaan ah oo is’ aragayagii ugu horreeyey uu Mingistu Haila Mariam igu yiri kaddib markii uu oggolaaday in SSDF ay saldhigyo ka sameysato dalka Itoobiya, taas oo aheyd “Shabeel dabada lama qabsado, haddii aad qasatidna lama sii daayo, waayo wuxuu kugu soo jeesanayaa oo ku cunayaa” Maahmaahdaas siyaabo kala duwan waa loo yiraahdaa, sida ‘Shabeel lama korsado, haddii aad korsatidna ha ka degin, yuusan ku cunine’
Nuxurka maahmaahdaasi wuxuu ii soo baxay markii aan qabsanay Balanbale & Galdogob oo ay Itoobiya adduunka u sheegtay in degmooyinkaasi ka tirsanaayeen dalka Itoobiya oo dowladda Soomaalidu ay gardarro ku haysatey, haddana ay sidaasi calankooda uga taageen.

Ka runsheegidda lahaanshaaha taariikheed ee degmooyinka Soomaaliyeed, xilliga taliskii Mingiste waa tan ii keentay lix sanno oo xabsi ah.

Xabsiga amar dowladeed kagama aan soo bixin ee, iskay baan uga soo baxay, aniga oo ka faa’ideystay burburka Taliskii Mingiste iyo dowlad la’aantii xigtay. Waxaan dabaaldegga iyo raynraynta la qaybsaday qowmiyadihii Itoobiya ku noolaa oo isbedelka u arkayey waa cusub oo soo gunaanaday silicii iyo talisyadii Amxaaradu qarniyo ku hayeen. Dulucda maahmaahdaas waxey tilmaamaysaa in xilligii Mingiste iyo kan Zenawi ee maantaba uusan shabeelka Itoobiya ku ekeyn inuu cuno ciddii dabada qabata oo sii dayso oo keli ah, balse uu weeraro gardarro ah ku qaado cid kasta ama Dowlad kasta oo uu danihiisa ku fushan waayo.

Markii qunjuraafkii ciidamada Itoobiya si fiican u wiiqay waxqabadkii TFG-da, oo ay ku guuldareysteen in TFG-du kala daadato, baa Dowladdii Itoobiya isqarin kari waysay oo si toos ah bannaanka isu soo dhigtay. Waxay billowday in ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuusho si ay talada uga wareejiso TFG-da oo gaashaanka ku dhufatay in ay isla waynaanta iyo daandaansiga Itoobiya u hoggaansanto.

13kii Agoosto 2008dii, dowladda Itoobiya ayaa dalkeeda nagu martiqaaday aniga, guddoomiyaha baarlamaanka iyo RW iyada oo ku andacooneysey in ay ina dhexdhexaadineyso. Martiqaadkii waannu oggolaanay, waxaanna tagnay magaalada Addis Ababa.

Martiqaadkaas ka hor waxaan ka qaybgalay shir Jabuuti ka dhacay 2dii Luulyo 2008dii, oo ay ka soo qaybgaleen xubno ka tirsan Guddiga Amniga [Security Council], kaas oo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya.

Halkaas waxaan ka jeediyey khudbad aan kuaga warbixiyey xaaladda dalku ku sugan yahay iyo waxa Soomaaliya ka dooneyso in ay beesha caalamku u qabato. Markii aan hadalkii dhammeystay, su’aalihii la i weydiiyayna ka jawaabay, waxaan ku noqday Muqdisho.

Xilligii Itoobiya ay inoo fidineyso martiqaadka ma jirin wax dhib ah oo dalka ka taagnaa oo aan ka ahayn faragelinta dowladda Itoobiya. Dhowr goor ayaan arrintaasi diidmo ugu geeyey madaxda ugu sarrreysa dalkaas, isla markaana uga digay natiijada xun ee faragelintaasi ka dhalan doonta. Dhibaatada kale ee dalka ka jirtay waxay aheyd khayaanadii uu Nuur Cadde qaranka ku hayay, taas waxaa xil iska saaray Golaha Shacabka oo mooshin kalsooni kala noqosho ah ayaa Golaha ka yaalley. Mooshinkaas waxaa lagu soo oogay dambiyada faraha badan ee uu qaranka ka galay, oo ay ka mid yihiin qoddobada hoos ku qoran:

⦁ Qodobka 3aad – Sarraynta Sharciga – Farqadaha 1aad iyo 2aad ee tilmaamaya in ay Jamhuuriyadda FKMG ee Soomaaliya ku dhisan tahay sarraynta Sharciga, laguna dhaqi doono si waafaqsan Axdigan iyo in Axdiga Dowladda FKMG yahay xeerka ugu sarreeya ee ay hoos-yimaadaan dhammaan hay’adaha awoodda leh ee dalka.

⦁ Qoddobka 44aadd -Awoodaha Madaxweynaha faqradaha (d), (e) iyo (f).

⦁ Qodobka 46aad farqada 3aad ee tilmaameysa in uu Ra’iisul Wasaaruhu leeyahay soo jeedinta xubnaha ka mid noqonaya Golaha Wasiirada, Madaxweynuhuna leeyahay oggolaanshaha.

⦁ Qodobka 48aad – Waajibaadka Wasiirka Kowaad- Xaradka (b) ee tilmaamaya in uu Ra’iisul Wasaaruhu mas’uul ka yahay horumarinta, isu-duwidda iyo kormeeridda siyaasadda xukuumadda iyo maamulka guud ee dowladda.

⦁ Qodobka 52aad – Golaha Wasiiradda -Faq. 2aad, xarafka (a) ee tilmaamaya waajibaadka Golaha Wasiiradu in ay ka mid yihiin diyaarinta, dhaqangelinta siyaasadda iyo miisaaniyadda qaranka.

⦁ Qodobka 53aad – Xilka Golaha Wasiirada -Faq. 3aad, xarafka (a) ee tilmaamaya in Golaha Wasiirau si wadajir ah uga yihiin, iyada oo la tixraacayo mabda’ a mas’uuliyad wadareed iyo qof ahaaneed, wax kasta oo ay fuliyaan sida fulinta awooddooda iyo meelmarinta waajibaadkooda.
⦁ Qodobka 65aad ee Ciidamada Qalabka Sida oo caddeynaya in ay Soomaaliya lahaaneyso ciidan Qaran oo keli ah.

⦁ Qodobka 71aad- Muddada kala guurka ah – Faq. 10aad ee tilmaameysa iney waajib ku tahay xukuumadda in ay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagula dagaalami karo qabyaaladda, eexda, xatooyada hantida dadweynaha, musuqmaasuqa iyo dhammaan falalka wax isdabamarinta ee curyaaminaya dhaqanka suubban ee bulshada iyo hawlaha qaranka.

Bal garanay in aniga iyo Nuur Cadde noo yeeraan oo arrimaha fulinta isku haynay, waxaan garan waayey sababta ay ugu yeereen Aadan Madoobe oo Guddoomiye ka ah Baarlamaanka, kaas oo aan meelna ka soo gelin arrimaha lagha hadlayo. Waxaan hubaa inaan loo keenin dalxiis, ama khibrad uu u leeyahay dastuurka, waxaase la malayn karey in loogu yeero in loo afgarto sidii lagu yaqiin, dabadeedna la siiyo waajibaad cad.

Xusuus ahaan, Aadan Madoobe, wuxuu ka mid ahaa kooxdii isku baheysatay SRRC-da, markii  TFG-da la dhisayna waxaa laga dhigay Wasiir. Waxaa dabadeed dhacday in jagadii Guddoomiyaha Baarlamaanka bannaanaatay, kaddib markii Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankii hore mudane Shariif Xassan oo hormuud ja ahaa isqarxintii Baydhabo la ila beegsaday uu fakad ahaan ugu biiray kooxihii dowlad-diidka ahaa ee Asmara isku urursaday. Mudda gaaban kaddib, waxaa TFP-kii dhexdooda ka bilawday tartan ba’an oo jagadaas loo galay. Waxaa hor iyo horraan isa soo sharaxay Kiishbur, kaas oo madax kooxeedyadii Muqdisho oo dhammi isu tageen sidii uu ku soo bixi lahaa. Arrintaasi welwel bay i gelisay, aniga oo ogaa haddii musharax raggaasi wataan meesha ku soo baxo uu TFG-da carqalad ku noqonayo. Waxaan loa xiriiray Aadan Madoobe oo jagadaas danaynayey.

Waxaan weydiiyey waxa uu sameyn doono haddii aannu gacansiinno oo uu jagadaas ku soo baxo. Wuxuu ii xaqiijiyey in uu dardargelin doono howlaha TFG-da, taas oo ah kaalin aannu in muddo ah ka curyaansaneyn. Rag aan saaxiibbo ahayn baan u yeeray oo olole xoog leh baa loo galay musharaxnimadii Aadan Madoobe. Olololaasi oo, nasiib wanaag lagu guuleystay, jagadiina wuxuu ku helay aqlabiyad fiican.

Markii uu guuleystay waxaan is iri, TFG maanta ayeey guuleysatey, mar haddii ay heshay Guddoomiye Baarlamaan oo la shaqeynaya. Maalmo kaddib wuxuu billaabay inuu su’aal ka keeno mashruuc walba oo ay Dowladdu Baarlamaanka u gudbiso. Iyada oo la la yaaban yahay dhanqanka Guddoomiyaha, baa waxaa sir lagu helay nin ninku wuxuu hawl fududeyn doonayo.

Maalin maalaha ka mid ah baan u yeeray oo waxaan ku iri: “War Aadan sidee baad wax u waddaa, oo maxaa ka jira waxa lagaa sheegayo?”. Aniga oo aan hadalkii dhammeysan buu soo booday oo i weydiiyey waxa laga sheegayo. Waxaan ku iri: “Waxaa lagaa sheegayaa in sharci kasta oo  xukuumadda ay Baarlamaanka u soo gudbiso, aad ka dooneysid hawl fududeyn”, Mudda gaaban kaddib, waxaa dhacday in Raadiyeyaasha laga dhageysto go’aanno la yiri waxay ka soo baxeen Baarlamaanka, kuwaas oo aan xukuumaddu wax war ah ka hayn, isla markaasna aan la garaneyn cidda soo jeedisay. Mar allaale markii la isweydiiyey halka ay ka soo jeedaan go’aannadaasi, baa waxaa la yiraahdaa waxaa soo jeediyey hay’adaha Nayroobi fadhiya.

Waxaa intaas lagu dari jiray in hay’adahaasi mashaariicda iyo barnaamijyada ay wataan la garab maraan xukuumadda oo toos guddoomiyaha ugu gudbiyaan, kaas oo si musuqmaasuq ah uga ansixin jiray Baarlamaanka oo uu ka sameystay koox la shaqeysata oo arrimaha la dhammeystirta. Taas waxaa ka sii darran oo la ogaaday, in uu dhaqan ka dhigtay in, markii loola yimaado mashruuc la doonayo in Baarlamaanka laga ansixiyo, khidmadiisana la siiyo, oo isaga oo aan Baarlamaanka farriisin, gurigiisa tago oo iska qorqorto go’aan been abuur ah oo aan cidina ka warqabin, kaas oo uu dabadeed warbaahinta ka faafiyo, isaga oo u ekeysiinaya in Baarlamaanku ansixiyey.

Dowladda Itoobiya, oo sababa badan awgood marmarsiinyo u raadinaysay sidii aan jagada ku banneyn lahaa, waxay iska dhaadhicisay in isafgarasho dhexmarta Nur Cadde iyo Aadan Madoobe ay yoolkaas ku gaari kartey. Sidaas  ayayna labadaas nin xiriir-hoosaad ula yeelatay, Markii aan fahmay in xaalku taagan yahay meel aan barako lahayn, baan waxaan xafiiskiisa ugu tagay RW-ha Itoobiya Meles Zenawi. Waxaa ila socday Dr. Yuusuf Cumar Azhari iyo Xuseen Cali Seylaan. Kolkii uu na soo dhaweeyey oo aannu wada farriisannay baan ku iri, “Mar haddii aad go’aansateen inaad TFG-da af-genbidaan, aniga ayaa idiin fududaynaya oo shiddo la’aan istiqaalo Baarlamaanka u geynaya”. Inta uu istaagay oo muraayadihii indhaha iska bixiyey ayuu igu yiri “Innaga oo in muddo ah saaxiib ahayn baad Cabdullaahi i leedahay kooxaha ay ciidammadaydu la dagaalamayaan baad iiga hiilisay”. Waxaan ugu jawaabay in dhibka TFG-da soo foodsaaray ay dowladda Itoobiya mas’uul ka tahay ee faraha kala baxa. Muddadii aan Addis Ababa ku sugnaa oo dhan, Itoobiyaanku waxay ka dhashaqeynayeen sidii TFG-da loo bahdili lahaa.

LA SOCO QAYBTA KALE.

Share Button