Dowladda Soomaaliya oo xayiraad cusub saartay Kenya

May 27, 2019

Dowladda Soomaaliya ayaa farriin diblumaasiyadeed mar kale u dirtay dowladda Kenya, iyada oo ka jawaabeysa markii toddobaadkii hore  xubno wasiirro & xildhibaanno ka socday Dowladda Soomaaliya loo diiday dal-ku galka  Kenya.

Sida uu qoray saaka wargeyska [Daily Nation] ee ka soo baxa  Kenya, Dowladda Soomaaliya ayaa ku wargelisay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee fadhigoodu yahay Nairobi in  ay joojisay wax shir ah in ay kaga qeybgasho Kenya, shirarkaasi oo ay ku jiraan kuwa caalami ah, tababaro, siminaaro iyo shirar loogu balansanaa in ay ka dhacaan Nairobi, waxaanna lagu wargeliyey dhammaan hay’adahaas in shirarkaasi loo soo wareejinayo gudaha Soomaaliya.

Shirarka ay Dowladda Soomaaliya ka baaqsatay waxaa ka mid ah shir ay soo qabanqaabisay hay’adda Hayadda UN Habitat oo lagu wado inuu saaka ka furmo Nairobi,  shirkaasi oo soconaya muddo 3 cisho ah, uuna khudbad ka jeedin doono  saaka madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Dr. Abdullahi Hashi Ali oo ah isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya iyada oo ka jawaabeysay tillaabadii dowladda Kenya ugu diiday dal-ku galkooda wasiiradda iyo xildhibaanada DFS in ay joojisay nuuc walba oo shir ah oo lagu waday in Nairobi ay kula yeeshaan dhinacyada ay quseyso.

“Shirarkii Nairobi ka dhici lahaa waxaa loo soo wareejiyey gudaha dalka, kuwa aysan daruuftu saamaxeyn waxaa lagu qaban doono dalal gaar ah” Ayuu yiri Dr. Cabdullaahi Xaashi Cali.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo] oo haatan ku sugan dalka Koofur Afrik ayaa socdaalkiisa ka billaabay magaalada Daara-Salaam ee dalka Tanzania, halka ay horay u dhici jirtay in marka uu u safrayo dalalka Afrika in Nairobi ay noqoto halka uu sii maro, waxaanna diga-rogashada madaxweynuhu ay tilmaan cad u tahay xiriirka sii xumaanaya ee ka dhexeeya 2-da dal.

Share Button