Eng. Yariisow oo xalay xilli uu kormeer ku marayey qeybo ka tirsan caasimada la kulmay….

27 May, 2019

yariisow

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir    Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa isaga oo kormeerayey qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho la kulmnay  dhalinyaro xilli habeenimo ah ku caweynayey  waddooyinka, kana wareystay xaaladdooda iyo sida uu yahay ammaanka degaanka, isaga oo ku booriyey in dhalinyarada looga baahan yahay in qudhoodu ku garab siiyaan ciidamada ammaanka in ay sugaan amniga.

“Waa idinka ubaxa mustaqbalka, ciidamada ammaanku waxeey mar walba u taagan yihiin in ay xiddidaha u siibaan kuwa carqaladeynaya ammaanka iyo nabadda, waa in aan is garan taagnaa, una muujinaa inaan ku kalsoonahay” Ayuu yiri C/raxmaan Yariisow.

Dhalinyarada ayaa u muujiyey Guddoomiyaha sida ay u jecelyihiin madaxdooda, waxaanna ay u balanqaadeen in ay taageero dhan walba ah in ay la garab istaagan yihiin ciidamada ammaanka.

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa ku adkeeyey bulshada ku nool Muqdisho in ay sii xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha ammaanka, maadaama ay u shaqeynayaan sidii cadowga baneystay dhiigga shacabka looga hortagi lahaa.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo weheliyaan Wasiirka Amniga ayaa kormeer ku tagey xarunta 991 ee Booliiska, isagoo ku dhiirigeliyey howllaha muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan, gaar ahaan howlgalo ay shacabku ku soo wargeliyeen Booliska oo lagu soo qabtay dhagar-qabayaal ka tirsan argagixisada.

“Xarunta 991 ee Booliiska oo kormeer ku tagnay waxaan ku faraxsanahay warbixino ay shacabka soo gudbiyeen oo lagu howlgalay in lagu soo qabtay nabad-diid farabadan oo shacabka wax yeelo u geysan lahaa. Labo dhagarqabe oo masaajid Kaxda jiifanayey oo Idaacada Andaluus u shaqeynayey la soo qabtay”.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulkiisu uu ahmiyad gaar ah siiyey isku xirka shacabka iyo ciidanka, iyadoo uu qeyb weyn ka qaadatay barnaamijka dariseynta oo bulshada isku xiray.

Share Button