NEDERLANDS: Munaasabad abaalmarinno lagu guddoonsiiyey caruur Soomaali ah oo lagu qabtay Zwolle [SAWIRRO]

Axad, 30 Juni, [Yoobsannews Online]  Magaalada Zwolle ee dalka Holland waxaa maanta lagu qabtay munaasabad abaalmarinno lagu guddoonsiinayey caruur loo soo xirayey duruus ku saabsan  barashadda diinta islaamka, qur’aanka iyo tarabiyadda, waxaanna munaasabadaasi oo ay  soo qabanqaabiyey guddiga jaaliyadda Soomaalida ka soo qeybgalay marti sharaf kala duwan oo isugu jirta Soomaali iyo ajnabi.

Axmed Hayaan oo ka mid ah mas’uuliyiinta guddiga jaaliyadda, oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay  in guddigoodu ay muddo 9 sanno ah maamulayeen  goob dugsi ah, oo  caruurta Soomaalida lagaga caawiyo culuunta diiniga ah iyo tan maadiga ah, isaga oo tilmaamay in munaasabada maanta ay aheyd mid lagu soo xirayey barashada qur’aanka iyo tarbiyadda islaamka, wuxuuna u mahadceliyey dhammaan macalimiintii, waalidiintii iyo cid kasta oo qeyb ka aheyd ka mira-dhalinta hadafkooda oo ah in ay kor u qaadaan wacyiga ubadka Soomaaliyeed.

“Waxaa howshan suurtageliyey dad badan oo ku shaqeeya qaab iskaa wax u qabso ah [volunteer] laga soo billaabo Cusmaan Abuukar oo muddo 9 sanno ah maalin walba oo Axad ah qaabilsan furitaanka iyo xiritaanka dugsiga, ilaa macalimiinta iyo waalidiinta wax-barida ubadka ka qeybqaata, waxaan ku guuleysanay in xilli dugsiyeedkan inoogu dhammaado si qurux badan, waxaanna dugsiga dib loo furi doonaa Insha ALLAAH bisha September” Ayuu yiri Axmed Hayaan, isaga oo intaasi ku daray in guddigoodu ay doonayaan inay garab galaan ubadka Soomaaliyeed ee dalkan ku koraya, iyaga oo doorkoodu yahay in ay tusaan ubadka in ay yihiin kuwa leh diin, dhaqan iyo dal intaba.

Munaasabaddan oo si qurux badan loo soo agaasimay  waxaa abaalmarino kala duwan lagu guddoonsiiyey ardaydii kaalimaha hore ka galay waxbarashadda, sidoo kale, waxaa haddiyado kala duwan la guddoonsiiyey qaar ka mid ah shaqsiyaadkii bud-dhiga u ahaa socodsiinta howlaha dugsiga.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 IMG_2088 IMG_21964

Share Button