Waalidiinta caruurtooda laga caawiyey casharada iskuulka [huiswerkbegeleiding] oo u mahadceliyey Guddiga Jaaliyadda Zwolle

Nederlands: Isniin, 8 Luuliyo.  Waalidiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Zwolle iyo magaalooyinka ku dhowdhow ayaa u mahadceliyey Guddiga Jaaliyadda ee xaruntiisu tahay Zwolle, sidii ay isaga xilsaareen kor u qaadista aqoonta diiniga ah iyo cilmiga maadiga ah ee caruurta Soomaaliyeed ee magaalooyinkaas ku dhaqan.

Shaqooyinka lagu ammaano Guddiga Jaaliyadda ee mira-dhalka noqday ayaa waxaa ka mid ah; in muddo 9 sanno ah caruurta Soomaalida loo furay dugsi ay ku qaataan casharada diiniga ah, sidoo kalena loo diyaariyey macalimiin ka caawiya casharada iskuulka, iyada oo ay jiraan aqoonyanno Soomaali ah oo kala taliya waalidiinta marka ay kala dooranayaan jihada waxbarasho ee ay caruurtooda aadayaan, dariiqaas oo noqday mid si weyn u mahdiyaan waalidiinta oo mararka qaar dhibaato kala kulmi jiray marka caruurtooda loo sheego inay waxbarashada ku liitaan.

Hooyo Maryan oo ka mid ah  hooyooyinka Soomaalida ayaa u mahadcelisay Guddiga Jaaliyadda oo dhan, oo ay ku tilmaantay shaqsiyaad juhdi geliyey in ay bulshadooda ugu adeegaan qaab iskaa wax u qabso ah.

Hooyo Maryan, iyada oo shaqada guddiga bogaadineysa tallooyinna bixineysa waxa ay tiri:
“Guddiga Jaaliyadda ee uu madaxda ka yahay Axmed Hayaan waxeey ina tuseen Soomaalinimo, waxa ay garab u noqdeen ubadka Soomaaliyeed oo ay ka caawiyeen casharada ku adkaada, runtii waa ku diirsanay, waxaanna isbedel weyn ka dareenay caruurteena, waxeey inoo muujiyeen in caruurteena iyaga oo dhaqankooda iyo diintooda haysta  ay mushtamacan wax ka noqon karaan, dhibaatada ugu weyn ee caruurta Soomaalida haysata waxeey tahay halkan [Nederlands] waxeey dareemaan in ay ajnabi ka yihiin, haddii marka ay isu arkaan in halkan ay ajnabi ka yihiin, dalkoodiina loo sheego in aanu nabad aheyn waxa ku dhacaya qalbi jab, waxeey isu arkayaan dad bilaa dal ah,  waxaan ku niraah, dalkanna idinkaa wax ka leh, cid idinkama xigto, dal qurux badanna waad leedihiin”

11 abaalmarin caruur caruur2 guddoon IMG_2206 IMG_2209

Share Button