Cusmaan Abuukar “Qaacidadda guddigeenu ku shaqeynayo waxaa aasaas u ah: “Waxqabad dhab ah, oo aan magac iyo mansab lagu raadineyn”


Osman

 

Nederlands. Talaado, September, 24, 2019 [Yoobsannews Online] Cusman Abuukar oo ka mid ah xubnaha guddiga jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Zwolle iyo magaalooyinka ku dhowdhow, ahna xubin firfircoon oo guddiga u qaabilsan  ka caawinta ardayda Soomaalida waxbarashada [huiswerkbegeleiding ] iyo dugsiga qur’aanka ayaa  ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Zwolle iyo magaalooyinka ku dhowdhow  midnimo, isaga oo xusay in qaacidada  guddigoodu ku shaqeynayo ay aasaas u tahay: “Waxqabad dhab ah, oo aan magac iyo mansab lagu raadineyn”

Cusmaan Abuukar,  ayaa wareysi uu bixiyey wuxuu ku ka dhawaajiyey in jaaliyadu aad u bogaadineyso adeegyada ay sida iskaa wax u qabsada ah  guddigoodu  ugu hayaan jaaliyada, isaga oo ah u mahadceliyey Guddoomiye  jaaliyada Zwolle iyo nawaaxigeeda Axmed Hayaan oo uu ku tilmaamay shaqsi in lagu daydo mudan, wuxuuna Cusmaan intaa raaciyey in  dhalinyada iyo waalidiinta ku soo xirmaya goobaha ay maamulaan sannad waliba in ay sii kordhayaan.

“Hal ku dhiga guddigeenu, wuxuu yahay hadal yar iyo howl badan, ciddina ammaan ugu dooni meyno inaan hor ALLE  dadkeena ugu adeegno” Ayuu yiri Cusmaan Abuukar, isaga oo intaasi sii raaciyey in ay jiraan kuwa doonaya in ay jaaliyada marin habaabiyaan, wuxuuna intaasi raaciyey in waqtigu kala cadeyn doono kuwa jaaliyada magaceeda ku shaqeysanaya iyo kuwa u shaqeynaya.

“Dhibaatooyinka ubadkeena haysta waxaa ka mid ah; in kuwooda halkan ku dhashay iyo kuwa ku koray marka ay ama iskuulka joogaan, ama saaxiibadood la joogaan waxaa loo arkaa  dad ajnabi ah, mararka qaar waxaa la weydiiyaa goorma ayaad waddankiisa ku laabaneysaan, dhinaca kalena, mar walba dalkoodii hooyo waxeey ka maqlaan akhbaar aan wanaagsaneyn, marka waxeey u baahan yihiin in loo sheego in dalkani aysan ciddina ka xigin, oo uu dalkoodii la mid yahay, dhinaca kalena la jecleysiiyo dalkooda, loona sheego in ay leeyihiin waddan qurxoon, oo dunida waddan ka fiican aanu jirin” Ayuu yiri Cusmaan, wuxuuna intaasi raaciyey in ay billaabi doonaan in ay baraan caruurta Soomaalida dhaqankooda iyo waxyaabaha dalkooda uu caanka ku yahay.

 

Share Button