Gudoomiyaha xilka laga qaaday ee Puntland oo sheegay in ay sharci ahayn codkii maanta Baarlamanka ee xilka looga xayuubiyay.

 

_109559444_64d7b500-e7b7-4918-8e31-07f9063040f9

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) oo la hadlayay goor dhawayd BBC Somali ayaa sheegay in ay  “sharci ahayn” codkii maanta Baarlamanka ee xilka looga xayuubiyay.

 

Waxa uu ku eedeeyay arintaas Madaxtooyada Puntland oo uu sheegay in Ciidamo ka socda ay xalay weerareen baarlamaanka Puntland.

“Waxaanu leenahay nidhaam iyo hannaan; waxaanu leenahay shuruuc uu ugu sarreeyo dastuurka. Haddaanu nahay Baarlamaanka, waxaan leenahay xeer-hoosaadka golaha. haddaanu labadaa midna waafaqsanayn, waa xaaraan, waxna kama jiraan, mana ansaxayo”, ayuu yiri Dhoobo.

Xildhibanaada Barlamaanka Puntland ayaa saaka u codeeyay “xilka ka qaadista” Guddoomiyaha Barlamaanka, Cabdixakiin Maxamed Axmed, waxaana xil ka qaadistiisa u codeesay 49 mudane, halka 4 xildhibaanna ay ka aamustay.

Share Button