Shir sannadeedka Hay’adda Himilo oo lagu qabtay Amsterdam (SAWIRRO)

13023660_1212528225448264_186895282_n - kopie

April 17-2016: Amsterdam (Yoobsannews.com) Hay’adda HIMILO ee fadhigeedu yahay dalka Holland ayaa maanta kulan u qabatay qaar ka mid ah Jaaliyadaha Soomaalida ee ka soo jeeda Gobolada Galguduud & Mudug, waxaanna kulankan oo ahaa kulan sannadeed ay qabato Himilo sannad walba  looga hadlayey waxqabadka Hay’adda ee sannadkii tegay & howlaha ay tiigsaneyso sannadkan 2016.

Guddoomiyaha Himilo Maxamed Askari ayaa ugu horreyn ka warbixiyey howlihii sannadkii tegay ay qabteen, waxaanna isaga oo faahfaahinayey uu sheegay in Himilo ay ka qeybqaadatay  dad shacab ah oo gurmad dhaqaale ay ku gaarsiiyeen tuulada Ilbir oo ka tirsan Mudug, sidoo kale wuxuu tilmaamay Askari in ay ka qeybqaateen gurmadkii abaarta ee ka dhacay Gobolo  dalka ka tirsan.

C/kariin Xoogsade oo ah Madaxa qeybta Maaliyada ee Hay’adda ayaa faahfaahin dheer ka bixiyey daqligii u soo xarooday & mashaariicdii ay ku fuliyeen, wuxuuna sidoo kale sheegay in 2-dii sanno ee u dambeeyey hay’adu ay howlaheedu ku ballaarisay gudaha dalka, sidoo kalena ay barnaamijyo kala duwan oo wacyigelin u badan ay ka qeybqaadatay.

“Markii aan isku miisaanay daqliga qaaraanka ah ee ay bixiyaan dadka xubnaha ka ah ururka & baaxada howlaha horyaala ururka waxaan is tusnay in daqligaas uusan nagu filneyn, waxaan u gudubnay sannadihii ugu dambeeyey inaan mashaariic dalbano, kuwo kalena aan la wadaagno hay’ado caalami ah waxaanna ugu dambeeyey mashruucii “Men Speak out” Ayuu yiri C/kariin Xoogsade, wuxuuna intaasi raaciyey in mashaariic dhowr ah oo wacyigelin u badan in ay ku qabteen Magaalooyin kala duwan oo Amsterdam ay ka mid tahay.

“Waxaan ka caawinay arday Soomaali ah  oo ka qalin jebisay Jamacadaha Holland diyaarinta buugta qalin jebinta, si ardaydaasi marka waxbarashada ay ka aflaxaan ay kala qeybqaataan Himilo barnaamijyada wacyigelinta” Ayuu yiri Cabdikariin, wuxuuna intaasi raaciyey in waxqabadkooda ay ku fidiyeen Gobolo ka tirsan Soomaaliya.

“Magaalada Godoon waxaan ka caawinay sidii ay degmo u gaar i laheyd, shacabka ku dhaqanna ay u heli lahaayeen adeegyada muhiinka ah sida waxbarashada & caafimaadka” Ayuu yiri C/kariin Xoogsade, wuxuuna intaasi raaciyey in hay’adoodu aysan koox & maamul gaar ah taageereyn, balse ujeeddadoodu tahay sidii shacabka deegaanadaasi ku dhaqan loo wacyigelin lahaa.

Kulanka dadka ka dhexmuuqday waxaa ka mid ahaa Guddiga odayaasha Himilo, waxaanna ka soo ka soo qeybgalayaasha kulanka oo ahaa u badnaa dadka bixiya qaaraanka ay hay’adu ku shaqeyso fursad loo siiyey  in ay su’aalo weydiiyaan Guddiga Maamulka,waxaanna Guddiga & ka qeybgalayaashu ay ka doodeen in culeyska la saaro sidii loo dhisi lahaa wacyiga bulshada, si loo helo bulsho ka xarowda dhaqanka jahliga, isla markaana aqoonsata danahooda.

13046170_1212528445448242_2016014827_n

20160417_161819

13022447_1212528238781596_378633405_n (1) - kopie

 20160417_16494220160417_164815
20160417_162043
20160417_1551452

Share Button