Al-Shabaab oo dagaal kula wareegay degaanka Teed

Wararka naga soo gaaraya degaanka Teed oo ka mid ah degaanada hoos yimaada degmada Xudur ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab halkaasi ay kula wareegeen dagaal.

Ciidamada dowladda iyo Sidoo kale dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa dhexmaray dagaal Saacaddo socday, waxaana wararku ay sheegayaan in Al-Shabaab ay degaankaasi ay qabsadeen ugu dambeyntii.

Al-Shabaab ayaa kusoo daabacay Baraha wararkooda Faafiya in ay qabsadeen degaankaasi oo muhiim ah ,islamarkaana ku yaalla meel Istiraatiiji ah.

Degaanka Teed ayaa 30 Km u jira Magaalada Xudur ee Caasimadda gobolka Bakool , waxaana gacanta ku haayay degaankaasi ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,inkastoo labada dhinac aysan wali war kasoo saarin Khasaaraha ay is gaarsiiyeen.

Al-Shabaab ayaa xoojiyay bilihii lasoo dhaafay Weerarada ay ku qaadayaan degaanada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda, waxaana ay Weeraro ay ku qaadeen Buulogaduud, Baledxaaw iyo Bariire.

Share Button