Dad shicib ah oo ku dhintay rasaas ay fureen ciidamada AMISOM

Muqdisho: [Yoobsannews Online] Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo marayey waddada Ex. Kontorol Balcad ayaa saaka halkaasi qarax lagula eegtay, yada oo qaraxa kaddib rasaas ay fureen ciidamadaasi ay dishay 4 ruux, lama oga tirada ku dhaawacantay rasaastaasi.

Inkastoo aan la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay qasaaraha soo gaaray ciidamada AMISOM, haddana waxaa muuqata in ay waxyeelo soo gaartay gaarigii uu qaraxaasi saameeyey.

Dhinaca kale, waxeey noqotay dhacdo mar walba la filan karo,  in haddii AMISOM baabuurtooda qarax lala eegto inay rasaas ku furaan dadka shicibka ah ee goobahaasi ka agdhow, iyada oo Dowladda Soomaaliya ilaa hadda aysan kula xisaabtamin AMISOM tacadiyada ay u geysaneyso shacabkeeda.

 

Share Button