Fiqi “Booqashada Ordugan waxey ka dhigneyd ballantii aan qaadey 2011 waan ka soo baxey, mid kalena diyaar ayaan u ahey”

10410347_10152928451837319_729676874528685788_n[1]

Isniin, 26 Janaayo 2014: (Yoobsannews.com)  Axmed Fiqi oo ah musharax u taagan Madaxtinimada Dowlad Goboleedka dhowaan la filayo in loo sameeyo Gobolada Mudug & Galguduud, dhowaaanna ka soo laabtay socdaal uu ku soo maray Gobolka Galguduud ayaa ku tilmaamay socdaalka Madaxweynaha Turkiga ee Muqdisho inuu ahaa rajo mira dhal noqotay, laguna diirsaday natiijadii ka soo baxday; kaddib markii walaalaha Turkigu ay ka dhabbeeyeen balanqaadii ay u sameeyeen walaalahooda Soomaaliyeed ee ahaa in ay taageero hiil & hoo ba leh ay la garab taagan yihiin Soomaaliya xilliga ay dhibaatada ku jiraan.

Fiqi wuxuu sheegay in waddan kasta uu kala garto xilliga uu dhibaatada ku jiro dalka saaxiibka la ah & kan ku cadowga ah; isaga oo booqashada Madaxweynaha Turkiga ku sifeeyey balanqaad hore oo uu ka dhabbeeyey Ordugan.

“Booqashadii madaxweyne Ordugan ee Soomaaliyana waxey ka dhigneyd ballantii aan qaadey 2011 waan ka soo baxey, mid kalena diyaar ayaan u ahey, ee adinku diyaar ma u tihiin inaad wax qabsatiin? Murti Turki ah ayaa oroneysa : Saaxiibka dhabta ahi waa kan maalinta madow ku garab istaaga, qof kasta oo horteena ka dhoola-caddeeyana saaxiib ma ahan, saaxiibku waa kan nala wadaaga nolosha macaankeeda iyo qaraarkeedaba, una soo banbaxa kaalmeynteena” sidaa ayuu yiri Axmed Fiqi, wuxuuna xusay in Turkigu shacab & madax intaba ay quluubtooda u fureen dadka Soomaalida ah, wuxuuna ugu baaqay Soomaalidu meel kasta oo ay ku arkaan dadka Turkida ah in ay xushmad & qadarin u muujiyaan.

Share Button