Baarlamaanka Puntland oo goor dhawayd xilka ka qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka C/xakiin Dhoobo Daareed

Baarlamaanka-Puntland.-696x391

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Xaalada siyaasadeed ee Puntland kadib markii saakay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay xilka ka qaadeen  Guddoomiyihii Baarlamaanka C/xakiin Dhoobo Daareed, kaddib mooshin ay ka keeneen.

Fadhi goor dhow ay Xildhibaanada ku yeesheen xarunta Baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray 53 Xildhibaan, iyadoo uu shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka 1aad.

49 Xildhibaan ayaa ansixiyay u codeeyay mooshinka xil ka qaadista, halka 4 Xildhibaan ay ka aamustay, iyadoo tani ka dhigan tahay in sidaas xilka looga xayuubiyay Guddoomiyihii Baarlamaanka C/xakiin Dhoobo Daareed.

Sidoo kale xalay ayay ahayd markii Ciidamo ka tirsan ilaalada madaxtooyada  Puntland  ay la wareegeen barlamaanka, waxaana Ciidamada hoggaaminayay Taliyaha Booliska Puntland, waxaana is rasaaseynta ku geeriyooday saddex ruux.

 

Share Button