Baarlamaanka Puntland oo gudi u magacaabay gudi qaban-qaabin doona doorashada guddoomiyaha golaha Wakiilada Puntland.

 

baarlamaanka-600x400

Wararka ka imaanaya magaalada garowe ayaa sheegaya in Guddoomiye ku xigeenka ahna ku simaha guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan uu  magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo qaban-qaabin doona doorashada guddoomiyaha golaha Wakiilada Puntland.

Guddiga ayaa ka shaqeyn doona diiwaan-gelinta musharrixiinta u tartamaya doorashada guddoomiyaha iyo sidoo kale socod-siinta dhammaan hawlaha doorashada guddoomiyaha cusub.

Ku simaha guddoomiyaha ayaa sidoo kale shaaciyay in doorashada la qorsheeyay in ay dhacdo 14-ka bishan  November oo ku beegan Khamiista todobaadka soo socda.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Cabdixakiin Maxamed Axmed ayey saaka xilka ka qaadeen mudanayaasha Baarlamanka kadib markii ay ku eedeeyeen Dastuur jebin iyo in uu ku xad-gudbay Xeer-hoosaadka Baarlamanka.

 

Share Button