DR. ALI JAAMAC: Baarlamanka soo socda wuxuu ka sii xummaan doonaa kan hadda jira sababahan dartood (Akhri)

Iyadoo dhawaan la is ku raacay in bisha September ee sanadkaan la qabandoono doorashada Madaxtinimo ee dalka lana qaatay nidaamka 4.5 ,ayaa hada waxaa bilaabanaya sidii xildhibaanada ka mid noqondoona golaha shacabka ee Soocda loo soo xulilahaa, iyadoo  uu  durbaba bilowday hardanweyn oo ka dhex jira beelaha Soomaaliyeed.

Yaa barlaman  noqon kara xilagan Soomaaliya ?

Xildhibanada ay beelaha soo xulidonaan ,ayaa waxaa ay noqondoonaan 275 sida caadada aheyd ee uu hadaba barlamanka ka kooban yahay, lakiin xulidda xildhibaanada soo socda, ayaa waxaa ka taagan muran xoogan oo la xiriira cida ay tahay in ay soo xusho ,beelaha waxaa ay doonayaan in iyaga ay  u madax banaanaadaan halka hogaamiyaasha ,maamulgoboleedyada ay iyagana donayaan in  looga danbeeyo madama la yiri saxiixa ugu danbeya iyaga ayaa is kaleh.
”Muqdisho o aan tagay soona joogay nuddo kusiman 2 bil ,ayaa waxaan ku soo arkay wax iga yabiyey ,waxana arkay qof waligis aan haweysanin ,in uu ka mid noqdo barlaman ahan shacab is ka caadi ah, ayaa waxaa uu hada haweysanayaa ,in uu soo galo barlamanka ,isagoo adeegsanaya lacag , kuna dhahaya, hebel oo  aan markii horeba isla aheyn dukaanle, ayaa ku jira barlamanka ,hebel oo aan markii hore isla aheyn ,macalin , ayaa wasiir noqday ,oo xitaa madaxweyne Haweystay  ,sideen ku haraa ,waa in aan wax walaba sameeyaa ,oo aan adeegsadaa hanti wixii aan heysto si aan u noqdo xubin barlaman, ama wasiir ,ama xitaa madaxweyne.” sidaasi waxaa yiri Cabdi casii cali oo kamid ah dadka qurbajoogta ah ah ee Soomaaliya ku laabtay dhawaan.
Hadii baranamkii ama Jagadii ugu sareysay dalka uu iska haweysanaayo qof aan waxba siyaasada ka garaneynin waa mishaakil aad u weyn ,waxaana taasi saba u ah uu yiri Cabdi casiis ,dhibka ay umadda ku hayaan kooxda Damujadiid ee  boobta hantida shacabka kana dhigay dowlad nimadda mid lacag  lagu gato oo aan aqoon ku xirneyn.

Dadka qaar waxaa ay aamin san yihiin in Xildhibaan  qofka noqnaayo in uu yahay qof ,heysta lacag ,qof ku tiirsan kooxda hada madaxda ka ah dalka oo heysata hantidii umadda Soomaaliyeed,wax jaanis ah aan u banaaneeyn ,dadka wax garadka ah iyo rugcadaayaasha siyaasadeed ee umadda Soomaaliyeed Samatabixinkara.

Muradanada Mamaul goboled yada iyo beelaha ee xulista Barlamanka .

Muradaanada ugu badan waxaa uu ka jiraa ,Puntland iyo Galmudug ,iyado Cabdiwali gaas iyo Cabdikariin ay doonayaan in ay soo xushaan cida ay iga rabaa ,waloow ay dabasocoto qaalo dhaan aad u culus oo ka soo yeereysa beelaha qaar,halka sharif xasan iyo Axmed Madoobe la tilmaamayo dhankooda in uusan ka jirn muran saas u siiweyn.

Qaar kamid ah beelaha Soomaliyeed, ayaa la soo sheegayaa in ay san hoostagidoonin madaxda maamul goboleedyada sida beelaha dega Galmudug oo u arka Madaxweyne Cabdikariim guuleed in uu yahay nin aad ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh maxamuud  ,maadama ay ka wada tirsanyihiin kooxda damujadiid oo mar walba dooneysa in ay iyada boobto  xubanaha barlamanka ee ka imaandoona  Galmudug ,ayna u adeegsato C.kariim Xuseen Guuleed oo loo arko In uu yahay madaxweyne u shaqeeya Xasan shiikh ee uusan aheyn madaxweyne umaddii dooratay aan waxba u tarin ,waqtigiisa intabadana ku lumiya muqdisho iyo dowladda dhexe isagoona waxba ka qabanin adeegyadii ay u baahnaayeen bulshada galmudug .

C.kariim Guuleed , oo markii horeba lageystay Galmudug  lanarabay oo kaliya in halmar uun la isticmalo ,ayaa  waxaa uu hada wadaa sidii uu gacanta ugu dhigilahaa  , Xubanaha barlamanka u soo galidoona beesha Habargidir ,waxaana ay durbaba ka bilaabeen xamar gaar ahaan hotelka lagu dhisay lacagta umadda ee SYL in uu ku aruuriyo ,dhalinyaro iyo odayal si uu lacag  u siyo ,kadibna uu u dageesado beshooda  habargidir si ay damujadiid u helaan xildhibaanda beshaas.
Siyaasi Soomaaliyeed oo siweyn ula socda Arimahan, ayaa waxaa uu sheegay in 275 xildhibaan hada jirta qaarka taabacsan Damujadiid in la soocelindoono oo marhoreba lalagalay heshiis  ,halka intakalena la doonaayo in lagu badalo kuwa taabacsan Damujadiid ,iyadoo loo adeegsanaayo wasiirada hada jira oo lagu amray in ay soobadalaan  lacago  badana farta lagasaaray iyagana loobalanqaaday in ay soonqondoonaan.
Muxuu noqondonaa Barlamanka Soo socda hadii lagu soo xulo sida hada Socota .?

Muqdisho iyo meelaha kale ee siyaaada Soomaaliya laga kar kariyo  sida Nairobi  ,marka aad tagtid ,waxaa ay dadka ,siyaasada u dhuun daloola  kuu sheegayaan in barlamanka soo socda ee badalidoona kan hada jira in uu noqon doono kii ugu xumaa ,ebid ee soomara Soomaaliya ,taasi oo lagu micneeyey in barlamanka soosocda uu ahaandoono mid qof u xiran oo wixii la raba laga sameysanaayo.

“Marka la is bar bardhigo barlamanka hada jira  iyo kan soo socda ee hadaba la ogyahay sida lagu soo xulaayo ,waxaa fiicnaan doona kan hada shaqeeya  ,kan hada shaqeeya , waxaa lagu eedeyaa oo kaliya waxaa uu qaataa laa luush ,lakiin kan soo socda , waxaa uu noqondoonaa hadii aan hada lga dagaalamin mid qof u xiran oo sida uu doonto ka dhigto ,Soomaaliyana god dheer ku siirada ” sidaasi waxaa yiri  siyaasi Soomaaliyeed oo ku sugan Muqdisho oo magaciisa qariyey .

Dadka Soomaaliyeed xukuumadey ku sifeeyeen in ay wanaagsaneyd intii ay jirtay Dowladan hada madaxda ka yahay Madaxweyne Xasan Shiikh.?
Siyaasiyiinta aan la sheekeystay intii aan joogay muqdisho ,waxaa ay ii sheegeen  Dowladda hada jirta ee uu madaxda ka yahay Xasan shiikh  si wanaagsan  in ay ku bilaabatay   tasi oo soo jiidatay bulshada caalamka iyo guud ahanba dadka Soomaaliyeed ,wayo waxaa  ay heshay Rai”isulwasaare ay ka go”need in uu samatabixiyo Umadda Soomaaliyeed .

Ra”iisulwasarae Saacid  ,waxaa uu soo dhisay Xukuumad ka kooban 10 wasiir  kuwaasi oo  duraba  si fiican u shaqeyey ,oo wax badana ka qabtay dhamaan baahyihii jiray ,iyadoo sanadkii uu joogay saacid lagu tilmaay sanadkii laga baxay dhibaatadii loo qabay Dowalad ee la helay Xukuumad wanaagsan oo mustaqbal fiican leh , waxaana xukumadaas  wasiiradii ugu fiicaa , laga xusikaraa Dr Maryan Qaasim oo iyadoo howl fican umadda u haysa lugta laqabtay ,sidookale wasiirkii maaliyadda Maxamuud Xasan Suleymaan oo isana isagoo dhanka maaliyada wax fiican ka qabtay  lana dagaalamay Musuqmaasuqa laguha lagu dhagay , iyadoona  dowladdaasi ay ka soconweysay ,C.kariim Xuseen guuleed iyo Farah Cabdulqadir iyo Madaxweyne Xasan shiikh oo markaste hortaagan in shacabka ay helaan nidaam dowladeed oo shaqeeya.

Maxaa la gudboon Umadda Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta Xalaasha ah.

Ugu danbeyntii Siyaasiyiinta xalaasha ah iyo Umadda Soomaaliyeed ku wooda  wax garadka ah ,ayaa waxaa hada looga banahanyahay in ay ka hortagaan ,oo y umadda codmideysan ugu shegaan waxa socda ,uguyaraan in ay sheegaan in aysan raali ka aheyn boobka siyaasadeed ee socda .

W/D Ali Jamac

Email –kan ku soo qor Wixii fikrad ah

Share Button