Ciidamada Somaliland ay gacanta ku dhigay Markab siday saanad hub ah

images

 

Wararka ka imaanaya Magaalada Dakada leh ee Barbara ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Somaliland ay gacanta ku dhigeen markab ku soo xirtay Dakadaasi oo hub kala duwan uu ku rarnaa.

Markabka kusoo xirtay Dakada Magaalada Barbara ayaa siday Gaadiid ay lahaayeen Ganacsato kasoo jeeda Somaliland, waxaana markabka laga helay hub kala duwan markiil aga dajiyay qaar kamid ah gaadiidkii ku rarnaa

Sida Wararka aan ku heleyno Markabkan oo lagu magacaabo MV-Shakir ayaa xagiisa hoose waxaa laga helay hub kala duwan ay ku jiraan kuwa culus iyo kuwa Fudud, waxaa sidoo kale gaadiid ku rarnaa markabkaasi gudahooda iyana laga helay rasaas iyo hub kala duwan.

Ciidamada Amaanka Maamulka Somaliland ayaa xiray kabtankii waday markabkaasi oo warar kala duwam sheegay markii wax laga weediiyay hubka saaran markabka uu kabtanka ka yahay iyo halka uu u wado.
Office Nairobi Kenya

 

Share Button