Ciidamada Turkiga oo la wareegay amaanka garoonka ilaa KM4, iyo Madaxweyne Turkiga Erdogan oo Garoonka wali ku jira..

erdogan

 

Wararka ka imaanaya Garoonka Muqdisho ayaa sheegaya in Diyaarada sida Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan halkaas ay soo gaartay, waxaana amaanka garoonka iyo hareerihiisa la Wareegay Ciidamo ka Tirsan Kuwa Turkiga oo saakay aroor hore soo gaaray Muqdisho.

 

Garoonka ilaa afaafka hore ee isgoyska Km4 ayaa waxaa dhooban Ciidamo Turki ah sida uu soo sheegayo Wariyaheena oo ka mid ah wariyayaasha  halkaas jooga.

 

Madaxweynaha Martida ah Turkiga Recep Tayyib Erdogan  ayaa salaan sharaf ka qaato cutubyo ka tirsan Ciidanka qalabka sida.

 

Madaxweynaha Turkiga ayaa waxaa soo dhoweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo astaanta Turkiga loo garaacayo, waxaa ay taagan yihiin meel loogu tala galay Madaxweynaha Turkiga iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo ay hareerta kaga dhigan yihiin calamada labada dal.

Sidoo kale Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisl Wasaare Cumar Cabdirashiid, Golaha Wasiirada, safiirada dowladaha Caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo mas’uliyiin kale ayaa ka qeyb qaadan doona munaasabad lagu furayo Garoonka diyaaradah Aadan Cadde.

Kala soco Yoobsannews Wixii ku soo kordha arintaas

 

 

Share Button