Cudurka Dabaysha oo ka Dabar Go’ay Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galay Munaasabad lagu weyneynayay Guul laga gaaray cirib tirka Cudurka Dabaysha oo dhibaato ku hayay Caruurta da’doodu ay ka yartahay 5-ta Sano, xilli maanta la sheegay in 3dii Sano ee la soo dhaafay laga xuroobay Cudurka Dabaysha.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Iskool Buluusiya ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha wasiirada, xildhibaano, bahda caafimaadka iyo masuuliyiin ka socday hay’adda caafimaadka Aduunka ee Who.

Wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Drs Fowsiyo Abuukar Nuur oo ka hadashay madasha Munaasabadda ayaa sheegtay in 1999-kii ilaa iyo haatan Mashruuca la dagaalanka Cudurka Dabaysha uu soo gaaray meel wanaagsan, islamarkaana howlwadeenada ka shaqeynayay ay u badnaayeen Haween.

Sidookale madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo soo xiray Munaasabadda ayaa sheegay in 2 dhibcood Talaal ah oo la siiyo Caruurta ay ku bad baadi karaan Nolosha Caruur fara badan, waxaana uu baaq u diray Hooyooyinka Soomaaliyeed oo uu ka codsaday in ay soo dhaweeyaan howlwadeenada Talaalka.

Ugu danbeyn madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sagootiyay Salaan sharaf uu ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku sugnaa xarunta Iskool Buluusiya oo ay ka dhacaysay Munaasabadda.

Share Button