Daawo Maalinta xanuunka kaadi-macaanka oo Muqdisho laga xusay

Muqdisho waxaa laga xusay maalinta ku baraarugga xanuunka kaadi macaanka ama Sokorowga oo ku baagan 14-ka November oo maanta ku beegan, iyadoo munaasabaddaasina ay ka soo qeyb galeen dhaqaatiir, khubaro dhinaca caafimaadka, aqoonyahano iyo bahda caafimaadka qeybahooda kala duwan.

Xanuunka sokorowga oo ka mid ah cudurrada faraha ba’an ku haya shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda da’da ah ayaa siyaabo kala duwan looga hadlay qaabka loola tacaali karo isla markaana bukaanada la il daran xanuunkaasi sida ay ula noolaan lahaayeen.

Share Button