Danjire aways amiin sheikh “ Waxan tacsi u dira Almaas Elman geeridii naxdinta lahayd ee ku timid..

78399520_2615607331811560_1622750713010454528_n

Waxa shalay xerada xalane lagu dilay almas elman oo ka mid ahayd shalaaha midowga yurub .

Alle ha u naxariistee Almaas oo soo noqotay Xoghaya 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya hadana qaybta warbaahinta u qaabilsaneed Midowga Yurub. Ayaa la sheegay in ay dhimatay xili ay saarnayd gaari, lamana oga cida dishay ilaa iyo haatan.

Waxaa arintaas ka hadlay oo tacsi u diray safiir-kuxigeenka safaarada somaliya ee kenya danjire aways amiin sheikh oo la soo xiriiray bogan.

“ waxaan aad uga xumahay geeridii naxdintav lahayd ee ku timid allaha u naxariistee Almaas Elman, geerida waa xaq laakiin waxay ahayd geeri naxdin leh”ayuu yiri Danjire aways amiin sheikh oo goor dhawayd la soo xiriiray bogan.

Danjire aways ayaa sheegay in ay ka tirsanaan jirtay shaqaalaha safaarada, waxa uuna amaan u soo jeediyay marxuumada oo uu sheegay in ay ahayd gabar dhowrsan.

Sidoo kale waxa uu tacsi u diray dhamaan umada soomaaliyeed gaar ahaan qoyska reer elman waxa uuna uga tacsiyeeyay geeridii ku timid Almaas Elman.

Share Button