Dhibka shisheeye nacaybka Koonfur Afrika uu baday dhallinyarada Soomaalida

Dhibka shisheeye nacaybka Koonfur Afrika uu baday dhallinyarada Soomaalida

  • Koonfur Afrika

Wixii ka horreeyay 2008, Koonfur Afrika waxa ay kumannaan Soomaali ah u aheyd dhul nabdoon oo ay u hayaamaan ka dib markii uu dalkooga hooyo uu ka qarxay dagaalkii sokeeye, sidaana ay ku burburtay dowladdii dhexe.

Hasayeeshee haatan xaaladdaasi waa ay isbadeshay oo waxaa Soomaalida fara kulul ku haya weerarrada ku dhisan ajaanib naceybka.

Inta badan Soomaalida ku nool dalkan Koonfur Afrika waxa ay halkan ku leeyihiin dukaamo yaryar oo ay ka dhex furtaan deegaannada ay dadka madowga ah u badan yihiin.

Hasayeeshee weerarrada ajaanib nacaybka ee indhawaale dalkan ka dhacayay ayaa waxa ay galaafteen nolosha Soomaali badan, halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen, basle arrinta xusidda mudan ayaa ah in inta haatan halkan joogta ay ka go’an tahay in aanay meelna u dhaafin dalkan.

Dadkaasi waxaa ka mid ah Cabdi Ashkir oo muddo laba jeer ah dhaawacmay, waxaan ku booqannay dukaankiisa oo ku yaal deegaanka Tembisa oo 42km bariga ka xiga magaalada Johannesburg.

Dhibka uu dhallinyarada Soomaalida baday shisheeye nacaybka Koonfur Afrika

Cabdi Askhir waxa uu ka mid yahay dhallinyarada Soomaalida ah ee ay dhibaatada ka soo gaartay falalka ajaanib naceybka ah, oo waxa uu ka sheekeeyay sida uu ku soo gaaray mid ka mid labada dhaawac: “Dhacdadaas waxa ay aheyd dhacdo aad u xanuun badan, waxayna dhacday 26-kii Juun 2013, sagaal saac oo habeennimo ayey aheyd annagoo iska jiifna ayey soo dhaceen tuugada ka dibna waxaan ka war helnay xabbad nalagu kiciyay.”

Koonfur Afrika

Waxaa la ii sheegay in halkan saddexdii sanadood ee la soo dhaafay lagu dilay ilaa 20 dhallinyaro Soomaali ah, oo saddex ka mid dukaankooda lagu dhex gubay.

“Bishii hore ayaa ugu dambaysay oo waad aragtaa xabbadii ay nagu soo weerareen waxa ay ka muuqataa gudaha dukaanka, marka Alxamdulillaah, Ilaahay ayaa naga badbaadiyay.” ayuu yiri Cabdi Askhir.

Dalkii xilligan looma laaban karo

Gudaha dukaanka Cabdi Ashkir waxaa ii muuqanaya in ammaanka aad loo adkeeyay oo amni darrada ka jirta deegaankani ayaa waxa ay bartay qaabkii ay u noolaan lahaayeen. Tusaale ahaan, maqal hayaha (khasnaji) waxa uu ku jiraa meel aad u xiran oo xitaa ay adag tahay in ishaada ay qabato waxa gudaha ku jira.

Meeshan ma ahan dukaan kaliyee, waxa ay isugu jirtaa meeshii la seexanayay, jikadii iyo suuligii, waadna garantaa inta ay la eg tahay goob ganacsi oo ku taal meel tuula ah, sidaas oo ay tahayna waxaa ku wada nool Cabdi Ashkir iyo saddex wiil oo kale oo ay walaalo yihiin.

Walow Cabdi iyo wiilasha la shaqeeya ay noloshaas adag ku nool yihiin, haddana waxa uu ku adkaysanayaa in uusan meelna halkan uga socon. Sababtu maxay tahay?

“Sababtu waxay tahay, qofka marka waddankiisa uu ku laabanaayo waa inay wax ka horreeyaan, waa inuu nidaam ka horreeyo, laakiin haddaad iska noqoto haddana waddanka uusan ammaan ka jirin oo hadda aad u jeedid qaraxyada iyo dhibka magaalada Muqdisho ka socda, marka saas awadeed ayaa kalifaysa inaanan noqon Karin.”

Koonfur Afrika

Dhibaatooyinka ay wajahaan Cabdi iyo dhallinyarada kale ee la midka ah ayaa dadka qaar waxay u aanaynayaan culeys kaga imanaya gobolladii ay ka kala yimaadeen. Tahraan Buulle Aadan muddo ayey halkan ku nooleyd, waxa ay sheegaysaa in dhallinyaradu ay dhibaato badan ku nool yihiin oo aanan loo naxariisan:

“Wiilasha dhallinyarada ah ee ka yimaada Soomaaliya siday u socdaan bay locations-ka [Deegaannada] ku galaayaan, taas oo ku timid culeys ka jiro Soomaaliya, sababtoo ah haddii ay magaalada joogaan kuma noolaan karaan lacag ayaa laga rabaa, waalidiintii ayaa lacag ka rabaan, ehelladii ayaa lacag ka rabaan.”

Tahraan waxa ay intaasi raacisay nolosha adag ee ay dhallinyaradu ku nool yihiin: “nolosha ay ku nool yihiin waa nolol aad iyo aad u adeyg badan, sidaas oo ay tahayna habeenkii bannaanka uma soo bixi karaan.” ayey tiri.

Qorshaha howlgalka qaran

Dhanka kale, dowladda Koonfur Afrika dhawaan waxa ay billowday Qorshe Qaran oo loogaga hortagayo weerarrada ka dhanka ah ajaanibta hasayeeshee dad badan ayaa sheegaya in arrintaasi aanay daboolayn baahida jirta.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa waxa ay sheegaysaa in ilaa iyo haatan aanan cidna cadaaladda loo horkeenin weerarrada ajaanib naceybka. Dewa Mavhinga, waa agaasimaha hay’addan ee Koonfurta Afrika.

Koonfur Afrika

“Qorshaha howlgalka qaran ee la dajiyay waa tallaabo xagga wanaaga loo qaaday, laakiin waxa dhibaatadu ka taagan tahay waa hirgelinta gaar ahaan xagga siyaasadda.” ayuu yiri “Waxaannu cilmi-baaris ku ogaannay inaanan la sameyn baaritaanno hufan, cidna aan la xirin oo aan lagula xisaabtamin dambiyadaas shisheeye naceybka ah ee dalka ka dhacay, inkastoo ay ilaa iyo sanadkii 2008 ay qulqulatooyin xiriir ahi ay dhacayeen, haddana wax buuran lagama qaban sidii ciddii falalka ka mas’uulka aheyd loola xisaabtami lahaa.”

Isla xisaabtan la’aanta jirta

Isla xisaabtan la’aan jirta iyo hadallo siyaasadeed oo aanan laga fiirsan ayaa ka caraysiisay qaar badan oo ka mid ah dhallinyarada dalkan, oo qaarkood ayaa ku doodaya inay go’aan ka gaaraan cidda ay u codaynayaan.

Inan ayaa tiri: “Waqtiga aad jeedisid hadal ku dhisan ajaanib naceyb adigoo dad kale beegsanaya waxaad markaas igu leedahay ma doonayo inaan arko Koonfur Afrika oo kobcaysa oo waxa aad doonaysid inaad sameysid ayaa ah in dalkan laga saaro dadka ajaanibta ah kuwaas oo qaarkood halkan maalgashaday. Marka arrintaasi gebi ahaanba waxa ay badalaysaa cidda aan u codaynayo.

koonfur Afrika

Mid kale ayaa sheegtay: “Marka haddii aad maqashid iyagoo leh wax aanad aaminsanayn, ama haddii aad aragtid iyagoo waxyaaba kale sameynaya marka waa inaad ka baaraan dagtaa inaad u codaynaysid iyo in kale.”

Mid kalana waxa ay leedahay dadka qaaradan waa mid qura: “Ma uu jiro qof Afrikaan ah oo gudaha qaaradda Afrika ajnabi ku ah, oo wax farqi ah uma dhaxeeyo hadduu qofku ka yimaado Zimbabwe ama Ghana ama dalkuu rababa ha ahaadee, halkan waa dhulkoodii.”

Xigasho: BBC

Share Button