Ehellada Dhibane Faa’iso Oo Dalbaday In Cadaalada La Hor Keeno Askari Rasaas Kaga Dhuftay Xubinta Taranka

Ehellada Faa’iso Sheekh Maxamuud oo 27 bishii October askari ka tirsan ciidamada Puntland uu rasaas kaga dhuftay xubinta Taranka ayaa baaq u diray Puntland iyo dowladda Dhexe.

Odayaasha, Waxgaradka iyo Haweenka Beesha ee ka soo jeedo dhibane Faa’iso Sheekh Maxamuud oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Boosaaso ayaa ka codsaday madaxda Puntland iyo Dowladda Dhexe in cadaalada la hor keeno askarigii dhibkaasi geystay.

Waxa ay sheegeen in arrintani ay tahay mid Arxan daro ah, islamarkaana taabineyso Qof walbo oo Soomaali ah, sidaa daraateedna loo baahan yahay in si deg deg ah cadaalada loo hor keeno Askarigaasi oo haatan gacanta ugu jira Maamulka Puntland.

Share Button