Fu’aad Guhaad “Xorriyada hadalka wax la hor joogsan karo ma ahan”

Fu’aad Guhaad Aadan & C/rixiin Cumar Kaariye   oo ka mid ah qurba joogta Soomaalid ah ee ku sugan Holland ayaa markii ugu horreeysay hanjabaad cabsi gelin ah kala kulmay xubno ka tirsan Xarakada Alshabaab oo ku sugan Gobolada Sh/hoose & J/hoose, kaddib markii ay warbaahinta ka howlgasha gudaha dalka ay ku faafiyeen afkaar ay kaga soo horjeedaan wax ay ku sheegeen tacadiyada ka dhan ah xuquuqda aadanaha ee ay kooxda Alshabaab ka geysaneyso gudaha dalka.
“Qof kasta oo muwaadin ah wuxuu xaq u leeyahay inuu ka hadlo fikradiisa ku aadan xaaladda markaas dalka ka taagan; anigu reer Kismaayo ayaan ahay waxaan marar badan aniga oo halkan jooga ka hadlay dilalka ay Kismaayo ka geysanayaan kooxda Alshabaab oo hadafkooda yahay in ay suuliyeen dadka maskaxda u ah bulshada; falalka wuxuushnimada ah ee Alshabaab ay ku bartilmaameedsanayaan dadka maskaxda u ah bulshada si gaar ah ayeey ii saameysay waayo waxaa dadka la bartilmaameedsanayey ka mid ah qoyskeyga” Ayuu yiri Guhaad Aadan oo wareysi siiyey ku dhowaad 2 sanno ka hor Idaacadda Kismaayo, wuxuuna Fu’aad ku nuuxnuuxsaday in markii kooxaha Alshabaab ay dhageysteen wareysigiisa ay la soo xiriireen isaga  oo Holland ku sugan taleefan loo soo diray loogu hanjabay inuu yahay bartilmaameed.
Cabdi shakuur 1 (3)
Fu’aad wuxuu kaloo sheegay in Soomaaliya sida keliya ee Qaranimadeeda lagu soo celin karo ay tahay in shacabku garowsado dantiisa, ayna meel kaga soo wada jeestaan sidii ay ugu midoobi lahaayeen danahooda.
“Soomaaliya halka ay ka burburtay waxeey tahay shacabkii ayaan waddaniyiin aheyn, waxaan soo jeedinayaa in shacabku dantooda gartaan” Ayuu yiri Fu’aad.
Share Button