Guddoomiye Axmed Hayaan “Jaaliyadaha Soomaalida Zwolle iyo magaalooyinka u dhow waxaan u haynaa aqbaar ay ku farxi doonaan”

Khamiis, October, 03, 2019 (Yoobsannews Online) Guddoomiyaha Guddiga jaaliyada Soomaalida Magaalada Zwolle iyo magaalooyinka ku dhowdhow Axmed Hayaan, ayaa ugu bishaareeyey dadka Soomaalida ee deggan magaalooyinkaas in guddigooda oo wakiil ka ah dhammaan jaaliyada Soomaalida  loo oggolaaday in ay sii deganaadaan dhismaha ay caruurta iyo dadka Soomaaliyeed ku caawiyaan, kaddib markii maamulka degmadu ay si buuxda ugu qanceen adeegyada ay bulshada u hayaan.

“Waxaan caawinaa caruurta Soomaalida ah ee ay waxbarashadu ku adag tahay, kuwa galaya imtixaanaadka, kuwa casharada ka soo shaqeeya la yiraa, [huiswerkbegeleiding], sidoo kale, waxaa ka furan dhismaha malcamad qur’aanka iyo tarabiyadda lagu baro caruurta, dadka aan caawino ma ahan Soomaali oo keliya, waxaa jaaliyada ku xiran dadyow u dhashay dalal Afrikaan iyo carab ah” Ayuu yiri Axmed Hayaan, isaga oo intaasi raaciyey in billaha soo socda ay u qaban doonaan daýarta Soomaalida  utartamo isugu jira kuwa waxbarasho iyo isboorti ah.

“Waxaan maamulka Degmada [Gemeenthuis] ka helnay ruqsad aan dhammaad laheyn “Onbeperkt” oo aan ku deganaan karno dhismahaasi, waxaa nasiib darro ah, taariikhduna ay xusi doontaa in ay jiraan kuwa damiir-laawayaal ah oo magaca Soomaaliyeed na la wadaaga in ay isku dayeen in ay inoo daba maraan Degmada, kuna yiraahdaan “caruur Soomaaliyeed ayaa diinta lagu baraa dugsiga” kuwaasi waxaan jeclaan lahaa jawaabtii ay Degmadu soo siisay in ay la wadaagaan jaaliyadda, haddii kale annaga ayaa jaaliyada u soo bandhigi doona  e-mailadii ay direen iyo kuwii loogu soo jawaabay iyo weliba magacyadooda” Ayuu yiri Axmed Hayaan, wuxuuna intaasi sii raaciyey in ay la yaab ku noqotay guddigooda in dad Soomaali ah ay dhibsan doonaan caruur la  caawinayo.

“Ilaa aan indhageyga ku arkay anigu, maba u maleyneyn inuu jiro qof ay dhaleen hooyo iyo aabe Soomaaliyeed in malcamad wax lagu barayo ubad Soomaaliyeed, oo laga caawinayo casharada iskuulka inuu dacwo ka geynayo” Ayuu yiri Axmed Hayaan, wuxuu u soo jeediyey jaaliyada in aysan raali ku noqon in masiirkooda u hoos fadhiisaan shaqsi qiyamkooda ku shaqeysanaya.

Guddoomiye Axmed Hayaan, wuxuu u mahadceliyey Cabbaas Cali Nuur oo ka mid ah aasaasayaashii bug-dhiga u ahaa jaaliyadda Soomaalida, ahna aqoonyahan Soomaalida dhinacyo kala duwan ka caawiya.

“Cabbaas Cali Nuur, Guddigeenu wuxuu u aqoonsan yahay inuu yahay qof muxtarim ku ah Soomaalida dhexdeeda, Zwolle keliya ma ahan “heel Nederland” wuxuu tusaale fiican u yahay qof kasta ee doonaya inuu keligiis is-dhiso, kaddibna wixii uu bartay ku caawiya dadkiisa, Cabbaas waxaan aaminsanahay inuu yahay iskuul socda oo dadku ay wax ka baran karaan” Ayuu yiri Hayaan.

Share Button