Ha dayicin Halyeeyada qarsoon.

Wadanka guud ahaanba waxaa jira Geesiyaal badan oo aan wax laga qorin,sababta oo ah waqtigaa Afka somaaligu ma qorneeyn, aqoonta luqadaha kalena waa yareed. Tixraaca ugu dhaw waa suugaanta iyo sheekooyinkii ay soo gudbiyeen dadkii berigaa noolaa ama dad ajnabi ihi ay qoreen.

Waan jeclaa lahaa dacdadan iyo kuwa la midka ah qofkii faahfaahin ka hayo in uu qoro. Dhacdadan waxaa lagu soo gudbiyay suugaanta.

Markii Talyaaniga iyo Xabashidu ku dagaaleen deegaanka soomali galbeed , ee Amxaarada la jabiyay, ciidamada wax jabiyay waxa ay ahaayeen Somali gumeeysigu uu qasab ku geeyay goobaha dagaalka.

A)-Sannadkii 1937dii ayaa gumeeysiga Talyaanigu asaga oo adeegsanaya Soomaalidii uu u qortay ciidan ahaan,ayuu bilaabay in deegaannda koofurta uu dadka ku qasbo dagaalka, xoolahoodana loo isticmaalo dagaalka.

Isla sannadkaa 1937dii ayuu Talyaanigu u soo diray deegaan u dhaxeeya Cadale iyo Jowhar Unug ciidan ah uu hogaaminayo Sarkaal Talyaani ah iyo 10 Somali ah, waxa ay tagi jireen Ceelasha iyo deegaanada kale, waxa ciddii loo soo martiyo laga rabay in neef cadiin ah ay u qalaan ciidamada, biyo ay ku qubeeystaan ciidamadu, Biyo uu cabao Baqal ay wateen oo u rarnaa iyo Neef ama ka badan oo ah Geel xoogan oo Madfac qaadi/ jiidi kara.halyey

Tobanka somalida ah waxaa hor jooge u ahaa nin la dhihi jiray: Rooble Gacameey oo dadka dhibi jiray. Maalintii dambe ayaa waxaa soo weerary dhalin yaro Harti Abgaal ah, Rooble calooshiisii ayeey banaaka soo dhigeen waxa ayna saareen calooshiisii geed quraca korkii, Rooble oo weli nafi ku jirto oo riimayo, ku xigeenkiisii somaaliga ahaa oo darajo BANDAAS watay iyo Baqalkiina waa bireeyeen, Gaalkii Talyaaniga ahaayna Guskii ayeey ka gooyeen oo afka ayeey u galiyeen, 11kii ciidanka waxaa ka fakaday Laba nin oo kaliya , Sagaalkii kalena waa la dilay.

Isla goobtii ayeey shirib ku qabsadeen,shiribkaa oo taariikhdan loo tixraaco ayaa ahaa:

1-Rabigeey Riix Ma Raajiyee* Ma Riimay Rooble Gacameey.

2-Bandaaski Ma Bireeyninoo * iyo Baqalki Biya Boob ahaay.

3-Gus aan Gudneeyn Bal yoow* Go’naan Gardaro Leyguma galee.

B)- Isla waqtigaa waxaa jiray Nin kale oo la dhihi jiray: Shiiqoow oo Talyaaniga Jaasuus u ahaa , asaga oo dhulka miyiga ah ku wareegi jiray, si uu u soo ogaado halka laga heli karo oowr jiidi karta madaafiicda, waxaa kale oo Shiiqoow la socon jiray nin kale oo diiwaan galiya halka laga helay geelaa, ninkan kale oo Laba Aliflahaa ( Laba shabaale). Dadkii Geeleeyda ahaa waxa ay dantu ku qasabtay in koorta geela lagu xiro ay qadaadaan.( si ayna shanqar u sameeyn oo aan loo soo raacin, koorta dhaxdeeda labada Qud ee ku jirto ayaa la cuffi jiray).dhibkaa markii muuda lagu jiray ayaa dhalin yaradii reer Cadale waxa ay dileen Shiiqoow iyo laba shabaalihii. Koortihiina qadaadkii waa laga bixiyay.

Dhalin yaradii mid ka mid ah ayaa ratigiisii ceelka keenay, tiriyayna gabay Salsal ah oo uu ratiga kula hadlayo, waxa uuna yiri:

(Shoobloow anaa sharaxa kuu xiray, Shiiqoow anaa dilay iyo laba shabaalihii*Sharu waa dhamaatee shuurtaada ii daaq).

FG: qofkii hayaa magacyada dhaliyaraadaa, ama kuwa la mid ah oo si teelteel ah gumeeysiga isaga xureeyay, deegaan kasta ee soomalidu degto, ama hayo suugaantii dhacdooyinkaa lagu gudbiyay waxaan ka codsanayaa in ay qorto, si bulshadu ula wadaagto. Ha dayicin Halyeeyada qaran ee qarsoon ee wax ka qor, waa badan yihiin.

Wixii aan khalday iga sax, wixii ka dhiman ku dar, aragtidaada xor ayaad u tahay, anagana aragtidaadu waa noo muhim.

Qore: Yahya Amir.

Share Button