Hoggaanka Madasha xisbiyada qaran oo diginin ka soo saaray dagaalka Mudug..

images

 

 

Hoggaanka Madasha xisbiyada qaran ayaa maanta war ka soo saaray dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday gobolka Mudug.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xisbiyada qaran, islamarkaana uu ka saxiixnaa guddoomiyaha madashaasi, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ahna Madaxweynihii hore dowladdii KMG aheyd ee dalka ayaa baaq nabadeed loogu diray beelaha diriraya.

 

Madasha

Madasha ayaa sidoo kale ugu baaqday labada dhinac inay si degdeg ah dagaalka ku joojiyaan, islamarkaana wax weliba ay ku dhameeyaan wadahadal.

Sidoo kale waxay ku baaqday cidkasta oo ka qeyb qaadan karta daminta colaadaasi inay u istaagto, si looga hortagto dhiig markale ku daata halkaasi.

Share Button