War-murtiyeed laga soo saaray [Nederland] oo tallooyin muhiim ah loogu jeediyey DFS, Galmudug & Ergooyinka shirka Hobyo

Isniin, 15 Luuliyo:  [Yoobsannews Online] Guddi ay wakiisheen jaaliyadda Galmudug ee ku dhaqan waddanka Nederlands, oo maalmihii ugu dambeeyey shirar is daba joog ah ka yeelanayey isbedeladdii ugu dambeeyey ee ka dhacay deegaanada Galmudug ayaa maanta saxaafadda u soo gudbiyey war-murtiyeed  ay baaqyo kala duwan ugu dirayaan DF Soomaaliya, Galmudug iyo ergooyinka maanta uu shirku ugu furmay Hobyo.

War-murtiyeedkan  ay guddigani soo saareen waxeey ku sheegeen in markii ay ka baaraan dageen isbedeladdii ugu dambeeyey ee ka dhacay Galmudug in ay ula muuqatay in Galmudug u baahan tahay isbeddel xal u noqon kara muranka siyaasadeed ee curyaamiyey geedi socodka hannaanka maamul ee Galmudug, waxaanna ay jaaliyadu soo jeedineysaa in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka Galmudug, lana xaq-dhowro dastuurka Qaranka iyo kan Dowlad Goboleedka Galmudug.

War-murtiyeedka, waxaa lagu xusay in jaaliyadu ku baaqeyso in wax waliba laga hormariyo dib u heshiisiinta ee aan lagu degdegin maamul dhisid iyo doorasho, waxaanna ay jaaliyadu soo saartay war-murtiyeedka hoos ku qoran:-

1) Jaaliyadu, waxeey ugu baaqeysaa DF Soomaaliya in ay ilaaliso Dastuurka Qaranka iyo kan Dowlad Goboleedka Galmudug, isla markaana ay dhowrto rabitaanka shacabka Galmudug, una madax-baneyso maamulka iyo bulshada Galmudug dib u heshiisiin iyo masiirka Dowlad Goboleedka Galmudug.

2) Jaaliyadu, waxeey ugu baaqeysaa bulshada ku dhaqan Galmudug in ay ka shaqeeyaan wadajirkooda, wax walbana ay ka hormariyaan danta guud ee shacabka Galmudug.

3) Jaaliyadu waxeey soo dhoweyneysaa si buuxdana u taageereysaa shirka nabadeynta iyo aaya-katalinta beesha H/Gidir ee gogoshiisu taalo degmada Hobyo, waxaanna ugu baaqeynaa waxgaradka oo ay ugu horreeyaan dhaqanka in ay ilaaliyaan midnimada, si wadajir ahna ugu qeybgalaan shirka nabadda ee Hobyo.

4) Jaaliyadu waxeey si adag kaga digeysaa in hannaanka awood qeybsiga laga qeybgeliyo cid ka baxsan qabaa’ilka deggan Galmudug, isla markaana cid gaar ah isku keli yeelin go’aan qaadashada iyo aaya-ka talinta Galmudug.

Ugu dambeyntii waxaan u rajeyneynaa bulshada Galmudug mustaqbal cusub iyo maamul u adeega danaha bulshada, xiriir wanaagsanna la leh Dowlad Goboleedyada kale iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Share Button