Jaaliyadda Holland oo Guddoomiye Cumar Filish u diray farriin muhiim ah [SAWIRRO]

 

Axad, September 22, 2019 [Amsterdam] Xubno ka tirsan jaaliyada Soomaalida iyo madaxda ururada ayaa shalay [21/09/2019]  kulan ay ku yeesheen magaalada Amsterdam taageero iyo hambalyo u diray Guddoomiyaha iyo duqa gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed [Filish], sidoo kalena waxaa kulankaasi ay hormuudka jaaliyaduhu ku falanqeeyeen  caqabadaha hortaagan wax ka qabashada xaaladda amni ee caasimada, iyada oo kulankaasi dadkii ka hadlay ay tallooyin waxtar leh u jeediyeen Guddoomiye Cumar Filish.

Cali Waare, oo madax ka ah hay’adda FSAN ayaa hambalyo kaddib, sheegay in guddoomiyaha cusub ay horyaaliin howlo culus, oo ay ugu horreeyso wax ka qabashada xaaladda amni iyo isku furida waddooyinka caasimada, iyada oo gacan bir ah lagu qabanayo kuwa dilalka iyo qaraxyada ka fulinaya magaalada.

“Caasimadu, waa muraayadii dalka laga daawanayey, sawirka dalka laga qaadanayo waa waxa caasimada ka dhacaya, horumar ballaaran oo lagu tilaabsaday waa jirtaa, balse xanuunka aan la daala-dhaceyno waxa uu yahay qaraxyada iyo jidgooyooyinka,  guddoomiyaha cusub waxaan uga fadhinaa inuu ka dhabeeyo balanqaadyadii uu sameeyey” Ayuu yiri Cali Waare oo madax ka ah dalladda ay ku middeysan yihiin in ka badan 63 ururo Soomaali ah, wuxuuna intaasi raaciyey in shacabka iyo waxgaradka Soomaalida ay tahay in la xisaabtamaan mas’uuliyiinta qaranka u shaqeynaya.

Faadumo Faarax, oo madax ka ah hay’adda Hirda, sannooyinkii ugu dambeeyeyna hay’adeedu ay howlo adeega bulshada ah ka fulisay caasimada Muqdisho, ayaa sheegay in magaalo madaxdu ay tahay astaanta Qaranka, waxeey ay ku tilmaantay  wax aan la qaadan karin in dad gaar ah ay islaheysiiyaan caasimaddii dalka, haddana waxeey xustay in aysan waxba ka qabin in sida  loogu kala badan yahay loo qeybsado awoodda maamulkeeda.

“Caasimad dad gaar ah ma yeelan karaan, caasimadu waxeey astaan u tahay midnimada iyo qaranimada dalka, waana magaalo Soomaali u dhexeysa, waxaan u rajeynayaa guddoomiyaha cusub inuu la yimaado qiddad cusub oo wax looga qabanayo ammaanka, waxaanna mar walba ay bulshadu ku qiimeyn doontaa, taariikhdana u geli doona shaqooyinka uu qabto” Ayeey tiri Faadumo Faarax.

Kulankan oo aha mid muhiim ah, dadkii ka soo qeybgalayna ay aragti isku mid ah ka qabeen xal u helista iyo xaqiijinta ammaanka caasimada, inkastoo lagu kala aa’raa duwanaa qaab loo marayo, haddana waxaa muuqata rajo ay dadku ka muujinayeen dedaalada madaxda Qaranku wadaan ee ay ku doonayaan in dowladdu iyada oo isku duuban ay kor u qaado rajada shacabku ku doonayaan isbedel dhab ah.

Ruqiyo Caddow oo ah guddoomiyaha ururka AASIYA oo kulankaasi ka hadashay waxeey dhinaceeda sheegtay in guddoomiyaha aanu keligii waxqabad looga fadhiyin, iyada oo ugu baaqday shicib, dowlad iyo madaxda gobolkuba in ay dhexda u xirtaan sidii wax looga qaban lahaa amniga caasimada.

“Dadka Muqdisho waxaad moodaa in laxa-jeclo ka badan tan dadka kale in ay u hayaan sidii caasimadu u noqon laheyd amaan” Ayeey tiri Guddoomiyaha ururka Aasiya.

Zahra Naaleeye oo ka tirsan dallada FSAN, una qaabilsan mashruuca ka hortagga gudniinka haweenka, tallooyinka ay jeedisay waxaa ka mid ah si loo soo celiyo ammaanka Muqdîsho in laga shaqeeyo barnaamijka deriseynta, oo sida ay sheegtay wax weyn ka tari kara ammaanka.

“Barnaamijka deriseyntu wuxuu wax tari karaa ammaanka, sababtu waxaad heleysaa tirakoobka saxda ah ee dadka degan degmooyinka, waax kastana waxaa loo sameynayaa dad la socda, qofka kasta ee xaafada ku soo kordha, isla socoshada noocaas ah waxeey yareyneysaa falalka amni darrada ah” Ayeey tiri Zahra.

Guddoomiyaha hay’ada Himilo Cali Istiila, oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed, ayaa ka hadlay marxaladihii ay soo martay caasimada Muqdisho, wuxuuna sheegay in midnimada dadka caasimada ku dhaqan ay suurtagelin karto in meel lagaga soo wada jeesto dhibaatooyinka ragaadiyey caasimada, kana reebay kheyrkeeda.

   

 

Share Button