Jaaliyadda Soomaalida Talyaaniga oo ka horyimid magacaabis uu sameeyey safiirka

safiirka

Jimce, 19 Luuliyo [Yoobsannews Online] Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga C/raxmaan Shiikh Ciise ayaa diidmo culus kala kulmay qaar ka mid ah jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Talyaaniga, markii uu garyaqaanka safaaradda u magacaabay nin Talyaani ah oo qaba gabar Soomaaliyad ah.

Qaar ka mid ah jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Talyaaniga, ayaa ku doodaya in aan loo baahneyn in safaarada Soomaaliya ay qorato garyaqaan ajnabi ah, iyada oo ay buuxaan garyaqaanno Soomaali ah oo magac  ku leh guud ahaan dalka Talyaaniga, iyada oo guuxa diidmada jaaliyada si weyn looga hadal hayo goobaha Soomaalidu ku kulmaan.

Drs. Caasho Maxamed Diini oo ka tirsan jaaliyadda Soomaalida Firenza, una dhaqdhaaqda arrimaha qoyska ayaa sheegtay in dadka Soomaalida ee dalkan ku nool, kuwooda waxgaradka ahi ay ceeb ku tahay in ay goob joog u noqdaan in magacii iyo sharaftii Soomaalinimo loo isticmaalo dano gaar ah.

“Safiirkeenu wax xiriir ah lama laha Soomaalida,  safaaradii  wuu soo xirtay, 2 maalin ayuu u qabtay Soomaalida warqadaha ugu baahan [Talaado iyo Arbaco]. Soomaali xanuunsan iyo mid xiran war uma hayo, qareenna wuxuu ka dhigtay nin Talyaani ah oo xaaskiisu ay xiriir dhow la leedahay Madaxweyne Farmaajo, lamana yaabeyno in iyadana berri safiirad la inooga dhigo” Ayeey tiri Drs. Caasho. waxaanna ay intaasi raacisay in sababta magacaabista garyaqaanka ay ka dambeysay gabadha Soomaaliyada ah ee uu qabo.

“Marka danaha shaqsiga ah laga hormariyo dantii guud waxaa halis u noqoneynaa inaan gacmaheena ku burburino masiirkeena” Ayeey tiri Drs. Caasha, iyada oo u soo jeedisay madaxda dalka in danta dalka ay mudnaanta siiyaan, oo qofka loo xulanayo shaqo Qaran aan lagu xulan aniguu ama saaxiib ila yahay ama aan isku reer nahay.

“Qabyaalad iyo kursi lagu daneysto waa waxa Soomaali indhahaas u yeelay kheyrkeedana ka reebay, dalka waa la wada leeyahay madaxdeena waanu ixtiraameynaa, laakiin kama ogolaaneyno in aan marqaati ka noqono wax walba oo xun ” Ayeey hadalkeeda ku soo koobtay Drs Caasha.

Share Button