Jeneraal ka tirsan Milateriga Somalia oo ka badbaaday Qarax Miino

General Aadan Laba-afle oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Somalia ayaa saakay ka badbaaday qarax miino oo lala beegsaday gaarigiisa xili uu marayay deegaanka siinda dheer ee duleedka Muqdisho.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ay ku dhaawacmeen askar ka tirsan ciidamadii ilaaladiisa ee saarnaa gaariga Cabdi-bilaha, kuwaasi oo dhaawacyadooda la dhigay isbitaalka Madiina.

Gaariga uu la socday Jeneraalka ayaa la sheegay inuu soo gaaray waxyeelo, iyadoo goobta lagu qarxiyay ay soo gaareen ciidamo ka tirsan Milateriga, kuwaasoo qaaday dhaawacyadii askarta.jen-Laba-afle

Jen. Laba Afle oo ah taliyaha guutada seddaxaad ayaa dhawaan wuxuu lacag magdhow ah gaarsiiyay qoysaska dadkii ku dhintay dagaal ciidamo ka tirsan dowladda ku dhex maray Xaafada Haanta Dheer ee degmada Dayniile.

Share Button