Jubbaland oo war ka soo saartay weerarkii Beled-xaawo

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubbaland Cabdiraxman maxamed Xuseen Ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaatooyin Kala Gadisan ka Geysteen Deegaankaasi.

Wasiirku wuxuu marka Hore Tacsi u diray dhamaan Dadkii Ku Dhintay Weerarkii Shalay Subax ay halkaasi ku soo qaadeen Dagaalyahanada Al-Shabaab,

Wuxuuna sheegay inuu si gaar ah Tacsi ugu dirayo dhamaan Ciidamada Jubbaland ee Waxyeelado ka soo Gaartay Weerarkii isugu jiray Qaraxyada iyo Weerarka tooska ah ee ka dhacay Shalay Halkaasi.

Waxgaradka iyo Bulshada rayidka ah ee deegaanka ayuu ugu baaqay iney la shaqeeyaan Dowladda, islamarkaana Ay Ciidamada amaanka u soo sheegaan Khataraha Laga abaabulayo Gobolka

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay ilaa toban kalena way ku dhaawacmeen weerar Al-Shabab ay shalay ku qaadeen magaalladda Beled Xaawo.

Dadka magaalladda ayaa sheegay in Al-Shabab ay magaalladda soo weerareen salaaddii subax iyagoo laba dhinac kasoo weeraray.

Al-Shababa ayaa weerar ku qaaday saldhig milatari oo ku yaalla duleedka magaalladda halkaasi ay la beegsadeen weerarro iskugu jira qaraxyo iyo weerar ciidan.

Sidoo kale waxaa ay weerareen saldhigga booliiska iyo xarunat degmada, waxaana la sheegayaa inay ugu yaraan laba qof toogteen.

Share Button