K/Galbeed oo ka hadashay Safarka Mukhtaar Roobow ee Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa faahfaahin ka bixiyay warar ay saakay qoreen qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida oo ahaa in Sheekh Mukhtaar Roobow uu ku wajahan Magaalada Baydhabo.

Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar oo la hadlay Risaala waxaa uu sheegay in Sheekh Mukhtaar uusan maanta imaan doonin Baydhabo laakiin la filaayo maalmaha soo socda in uu yimaado.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in sababta uu u taagayo Baydhabo ay ka hadli doonaan Madaxda Sare ee Koonfur Galbeed.

Afhayeenka ayaa ugu dambeyntii tilmaamay Mukhtaar Roobow in uu soo booqanaayo Baydhabo maadaama ay tahay Magaalada uu kasoo jeedo.

Share Button