ku xigeenkii agaasimaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, laanteeda Puntland oo u geeriyooday dhaawac..

FB_IMG_1573074233370

 

Wararka ka imaanaya magaalada garowe ayaa sheegaya in ku xigeenkii agaasimaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya laanteeda Puntland uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaal magaalada Garowe ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan Puntland, xalay.

Cabdikariim Maxamed Faarax “Dhagaweyne” ayay rasaasta ay isku ridayeen ciidamadu waxa ay kula dhacday goob ganacsi oo uu kulahaa meel aan ka dheereyn Aqalka Baarlamaanka Puntland oo ay xalay weerareen ciidamada gaar ka ah ee Madaxtooyada Puntland.

Is-saasayn mudo socotay ayaa afaafka hore ee dhismaha baarlamaanka ku dhex martay ilaalada Aqalka baarlamaanka iyo ciidamo ka socday ilaalada Madaxtooyada Puntland ee Garowe.

nta la xaqiijiyay laba ruux oo mid ka mida yahay askatii uu dagaalku dhex maray iyo agaasime ku xigeenkii hey’adda socdaalka Soomaaliya faraceeda Garowe, sidoo kalana haa ganacsade caan ah ayaa ku geeriyooday shaqaaqada, waxaana jira dhaawacyo kale.

Share Button