LAYAABKA ADDUUNKA: Wiil 14-jir ah oo la soo baxay mucjisooyin dadka ka yaabiyay (Video)

Wiil 14-jir ah oo lagu magacaabo Maxamed Samiir ayaa soo bandhigay mucjisooyin ka yaabiyay dadweyne daawanayay magaalada Karachi ee wadanka Pakistan.

Muscjisooyinka uu wiilkani leeyahay ayaa waxay tahay isagoo awood u leh inuu madaxiisa wareejiyo isla markaan geynayo gadaashiisa oo uu eegi karayo.

“Anigoo 7-jir ah ayaan daawaday filim cabsi ah oo Hollywood soo saartay isla markaana ka soo muuqday nin madaxiisa wareejinaya, anigana tallaabadaas ayaan isku dayay inaan sameeyo waana ku guuleystay” ayuu yiri Maxamed Samiir oo ka hadlayay sida uu ku bartay arrintaan.

Dadweynaha iyo shaqsiyaad caan ah oo ku sugan dalka Pakistan ayaa wiilkaan xiriiro la sameeyay, isagoo helay taageero dhaqaale oo fara badan, wuxuuna Maxamed Samiir sheegay in afar gabdhood oo la dhalatay uu ballanqaaday inuu ka bixiyo kharajka waxbarashada kaddib markii aabahood uu noqday howlgab.

Halkaan ka daawo Video

4621E6C300000578-5061615-image-a-25_1510139062466 4621E6DD00000578-5061615-image-a-33_1510139111246 4621EDB100000578-5061615-image-a-43_1510139502621 4621EDB500000578-5061615-image-a-49_1510139541490 4621EDB900000578-5061615-image-m-48_1510139530391 4621EF8000000578-5061615-image-m-41_1510139476423 4621F08100000578-5061615-image-a-42_1510139492262

Share Button