Liverpool oo garaacday Hoffenheim

Kooxda Liverpool ayaa heshay fursad ay uga qayb gasho lugta labaad ee cayaaraha is reebreebka Champions League-gga, kaddib markii ay lugta hore ee cayaarahaasi ka badiyeen kooxda Hoffenheim.

Cayaar yahannada kooxda ee kala Alexander-Arnold iyo Jamed Milner ayaa u kala dhaliyay labada goo lee ay Liverpool uga badiyeen kooxda Hoffenheim.

Hoffenheim ayaa dhammaadkii cayaarta dhalisay hal gool, taas oo cayaarta ku soo afjartay 2-1 oo ay guusha ku raacday Liverpool.

Liverpool ayaa markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2014-kii ku laaban doonta masraxyada kooxda Champions League-gga, garoonka Anfield Arbacada soo socota.

Share Button