Jilaa u diga-rogtay siyaasi

27 May, 2017

Sunny Deol oo ka mid ah jilayaasha aflaanta hindiga, kuna caan ah aflaanta dagaalka ayaa u diga-rogtay dhanka siyaasadda, waxaanna uu maanta ku guuleystay kursiga xildhibaanimo ee xisbiga  BJP, isaga oo ka soo galay degmada Gurdaspur oo ka tirsan Gobolka Punjab.

Sunny oo ahaa jilaa qunyar socod ah, ayaa aflaanta lagu xasuusto waxaa ka mid ah:-  Ghayal, Damini, Border,  Ghatak,  Gadar, Jeet, Ziddi iyo kuwa kale.

Karan Deol, oo ah wiil uu dhalay Sunny Deol  oo dhowaan ku soo biiray wax loo yaqaan [Bollywood-ka] ayaa  la filayaa in dabayaaqada sannadkan uu soo baxo filimkiisii ugu horreeyey ee Pal Pal Dil Ke Paas.

Share Button