Madaxweyne Jacob Zuma oo hay’adaha amaanka ugu baaqay inay talaabo ka qaadaan boobka socda

1234

 

Madaxweynaha dalka k/afrika Jacob Zuma ayaa ugu baaqay saraakiisha ammaanka in ay qaadaan talaaba deg deg ah oo lagu soo celiyo amaanka iyo kala danbeeyntii ka jirtay gudaha iyo hareeraha degaanka Soweto kadib rabshada muda shan maalin ah hareeyay degaankaasi soweto kuwa oo lagu boobay inta badan ganacsiyadii ajaanibta ay ku lahayeen degaankaasi

Afhayeenka Madaxweynaha Jacob Zuma ,Mac Maharaj oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri “Madaxweynaha ayaa ku amray saraakiisha ammaanka , Golaha Wasiirada ,iyo sidoo kale hoggaanka gobolka iyo kuwa maxalliga ah ee Gauteng iyo sido kale kuwa diimaha inay sameeyaan talaaba walba oo lagu xasilin kara xaalada islamarkane dhankooda ay wada shaqeeyaan si xal loogu helo rabshadaha kusii baahaya gobolka Gauteng .”

Rabshadaha dhaliyay xasillooni darada ah ee lagu beegsanaya ajaanibta ayaa u muuqda kuwii kusii fidaya degaana hor leh waxaana rabshadahan lagu boobay ganacsiyada ajaanibta ay bilaabmeen habeenkii isniinta ka dib markii wiil 14-sano jir ah oo lagu eedeeyay isku day dhac dukaan ku yaala Doornkop lagu toogtay, iyado la sheegay in uu dilka geeystay milkiilaha ganacsi oo ajnabi ah,

In kabadan 150 ayaa xabsiga lo taxabay kuwa oo qeyb ka ahaa dadkii rabshadaha waday waxaana sido kale la xiray 8 kamid ah ganacsatada ajaanib ah oo lagu helay sida ay police-ka shegeen hub aan sharci aheyn waxaana xusid mudan in dukaama kor u dhaafay ilaa 80 dukaan oo soomaali iyo ajaanib leedahay la boobay halka qaarkoodne la gubay iyado ay xusid mudantahay in dukaama kale laga so baad baadiyay boobka,
Office Nairobi Kenya

 

Share Button