Magaalada Muqdisho oo xiligan ay ka socoto Munaasabadda daah furka Madasha Xisbiyada Qaran

madasha1-696x464

Wararka ka imanaya magaalada muqdisho ayaa sheegaya in xiligan ay ka socoto xaflad daah furka Madasha Xisbiyada Qaran, oo maalmo ka hor lagu dhawaaqay.

Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen Madaxweynayaashii hore iyo siyaasiyiin caan ah  ayaa ka socota Hoolka Sahal.

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Madaxdii hore ee dalka, Xildhibaano iyo marti sharaf kale, ayaa goobta joogta waxayna u muuqataa dhoolatus kale Isbaheysiga Mucaaradka ku muujinayaan cududooda siyaasadeed, iyo madasha ay ku mideysan yihiin, waxaa mar kale la filayaa inay diraan farriin siyaasadeed oo culus.

Muddooyinkii u dambeeyay kulamo ay hormuud ka yihiin Madaxdii hore ee dalka, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin waxay magaalada Muqdisho ka wadeen olole siyaasadeed xoog leh.

Kala soco wixii ku soo kordha yoobsannewes.com

Share Button