Maxaa loo jecelyahay cunista basbaaska aadka u kulul?

_109611794_gettyimages-1176475581

 

Sannadkii hore, dhakhaatiir ka hawl galayey qaybta adeegga degdega ah ee isbitaal ku yaal Maraykanka, waxay aad ugu mashquuleen in ay ogaadaan waxa hayey nin isbitaalka yimid oo ka cabanayey xanuun ba’an oo aad moodo in madaxiisa “dab lagu shidayo”, qoortu xanuunaysay qandho badanina haysay.

Markii la mariyey baadhitaanka CT Scan oo lagu eegay in wax dhaawac ah in ay ku yaallaan jirkiisa, iyo baaritaannada kale ee lagu sameeyay kaadidiisa, dhiiggiisa waalaga waayay waxaas oo dhan, balse waxay ogaadeen in aanu sumoobin oo aanu hayn cudur aan la garanaynin laakiin uu cunay basbaaska dunida ugu kulul.

Basbaaskaa uu cunay waxa la yidhaa “Carolina Reaper” (275 goor ayuu ka kulul yahay basbaaska caadiga ah. Ninkaas oo da’diisu ahayd 34 sano jir wuxuu go’aansaday inuu cuno oo tartan uu ku galo.

Nasiib wanaag xididadiisii maskaxda ee isku soo ururay ayaa la kala dabciyey markaas ayuuna caafimaadkiisii soo noqday.

 

Arrintaa waxay noqon kartaa tusaale xad dhaafa, laakiin malaayiin qof – ama suurto galna ay tahay – balaayiin qof oo dunida ku nool ayaa si joogto ah u cuna cunto basbaas leh oo carrabka ka gubta, oo mararka qaarna qofka uu si degdeg ah u doonto cabitaan uu isku qaboojiyo ama ay xataa caloosha ka gubato. Sababtu maxay tahay?

Waa jacayl dunida ka jiray kumanaan sano oo aan kala joogsi lahayn. Wax soo saarka dunida ee basbaaska qaydhiin oo ahaa 27 milyan oo tan ayaa kor uga kacay illaa 37 milyan oo tan intii u dhaxaysay 2007 illaa 2018.

Xogtan laga helay shirkadda daraasaadka suuqa ee IndexBox waxay ka dhigan tahay in celcelis ahaan qof kasta oo inaga mid ah uu cunay 5kg oo basbaas ah sannadkii hore. Basbaaska cas ayaa isaguna 20g ah.

 

Dalalka qaar waxay dadkoodu basbaaska ka badsadaan kuwa kale.

Dadka Turkiga waxay cunaan celcelis ahaan 86.5g maalintii, taas oo ah inta ugu badan dunida oona aad uga badan xaddiga Mexico oo kaalinta labaad ku jirta oo celcelis ahaan cuna 50.95g.

Haddaba maxaynu u jecelnahay bahashan kulul?

Waa arrin kakan oo ku xidhan maskaxda xiiso doonka ah iyo loollanka ah in dareenka jirka uu ogaado.

 

Sirta dabiiciga ah

Xitaa hannaankii lagu helay ee lagu soo saaray basbaaska capsaicin iyadoo uu jiro, haddana waxa uu ka kooban yahay kuleylkiisa aadka u daran waxaa weli ka taagan dood.

Seynisyahannada waxay ogyihiin in dhirtan ay u muuqato in ay sii kululaaneyso marba marka ka dambeysa, ayna soo saareyso wax kulul oo ay isaga celiso noolaha kale iyo cayayaanka cunaya.

Laakiin waxay u muuqataa in shimbiraha aysan wax dhib ah ku qabin.

Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Image captionSi ka duwan cayayaanka kale, shimbiraha dhib kuma qabaan in ay cunaan basbaaska.

Cilmi-baarayaasha Jaamacadda Arizona, ee dalka Mareykanka, waxay ogaadeen, sababta ay arrintaas ugu fiican tahay, dhirta basabaaska uu ka baxo.

Caloosha xaywaannada waxay baabi’isaa wixii ay cunaan, waxayna ka ilaalisaa jeermiska.

Laakiin shimbiraha sidaa ma ahan arrintooda – miraha waxay maraan calooshooda iyagoo aan burburin, marka ay ka soo baxaanna dib ayay u dhalan karaan mirahaas.

Haddaba, marka geedka basbaaska uu sii kululaado si uu noolaha kale isaga celiyo oo aysan u cunin, Maxaysan isaga celin karin bini-aadamka?

 

Waxaa layaab noqotay in bini-aadamka lala xiriiriyay dhadhanka qaraar ee ku milan sunta – taas waxay qeyb ka tahay farsamooyiinka is badbaadinta maskaxda.

Waxaa jiro arrimo lagu fahmi karo in aan anahay noolaha keli ah ee cuni kara basbaaska, inagoo ka dabeecad qaadaneyna awoowyadeena.

Ka feejignaanta gubashada

Mid ka mid ah aragtida la qabo waa in bini-aadamka uu dhedhemiyo cuntada basbaaska leh, sababtoo ah waa hantida ka hortagga fangaska iyo bakteeriyada.

Fikradda waxay tahay in dadka ay billaabeen in ay gartaan dhedheminta cuntada basbaaska leh ayna u badan tahay in aysan qurmin – Kuleylka wuxuu noqon karaa astaanta sababtay in cuntadaas aysan hallaabin.

 

Mala-awaalkaas waxaa la soo gudbiyay 1998-dii, oo ay wax ka qoreen Jennifer Billing iyo Paul W. Sherman oo ka tirsan jaamacadda Cornell University.

Waxay falanqeeyeen kumannaan dhaqamo soo jireen ah oo la xiriiray cunidda hilibka oo ah 36 dal, waxayna ogaadeen in basbaaska ugu badan laga cuno wadamada kuleylka ah, halkaas oo dalagga sida xun u baxa uu halis sababo.

 

“Dalalka kulul, cunta kastoo hilib ah waxaa lagu daraa ugu yaraan hal nooc oo wax kulul oo basbaas ah, halka dalalka qabow ay u kala qeybsan yihiin kuwo basbaaska ku darsada iyo kuwa aan ku darin,” ayey warbixintooda ku soo afjareen.

Dalalka ugu sareeya ee isticmaalka basbaaska waa Thailand, Philippines, Hindiya iyo Malaysia, halka kuwa ugu hooseeya ay yihiin Sweden, Finland iyo Norway.

 

Jeclaanshaha iyo calool-hurka

Si kastaba, waxaa jiro fikrado loolamaya oo la xiriira sharaxaadda sida aan u jecelnahay basbaaska: Xiriirka aan la wadaagno basbaaska wuxuu sababay waxa loo garanayo “halista xadidan”.

 

Waxay muujineysaa in aan basbaaska u cunno si la mid ah maskaxda raadineysa khibrad cusub ee dhowaanahan nagu qasbay in aan ka qeybgalno tartamo halis ah.

Dhedheminta xanuunka badan

Fikraddaas waxaa allifay Paul Rozin, oo ku taqasusay cilmu-nafsiga, kaas oo ka tirsan Jaamacadda Pennsylvania, waxaana aragtidaa ku dhaliyay in inta badan noolaha kale aysan cunin basbaaska.

Wuxuu dadka siiyay basbaas aad u kulul oo aysan u dulqaadan karin kuleylkiisa ugu dambeynna ay joojinayaan.

Wareysiyada u qaaday wuxuu dadka ku weydiiyay nooca basbaaska ee ay ugu jecel yihiin? Waxay doorteen heerka ugu dambeeya ee ay gaarsiin karaan.

“Bibi-aadamka waa noolaha keli ah ee ku naalooda waxa aan wanaagsanayn,” ayuu yiri Rozin.

“Maskaxdeena waxay baratay in ay isu sheegto in halis aysan jirin xitaa haddii jirka uu sidaa dareemayo oo falcelin aad uga duwan uu bixinayo.”

 

Sifooyiinka iyo jinsiga

Seyniska wuxuu sidoo kale daneynayaa in la ogaado sababta ay dadka qaar u cunaan basbaaska ugu kulul.

Seynisyahannada cuntada sida Nadia Byrnes waxay u dhaqaaqday in ay ogaato suuragalnimada ah in jinsiga uu door wayn ka qaato cunidda raashiis basbaas leh.

Waxay ogaatay in ragga ay cunaan basbaaska iyagoo dhiiragelin ka helaya dadka kale iyo sida loo arko iyagoo dooranaya basbaas kulul, halka dumarka ay basbaaska kulul ay u cunaan iyagoo ku raaxeysanaya dareenkaas aadka u kulul oo ay daneynayaan.

“Mexico, tusaale ahaan, cunidda basbaaska waxaa lala xiriiriyaa awood, geesinimo, iyo murqo-weynin iyo astaamo shaqsiyadeed,” ayey tiri Byrnes.

 

Share Button