Maxay yihiin caqabadaha ka dhalan kara duulimaadyada habeenkii ee garoonka Muqdisho?

Markii ugu horeysay muddo ka badan 25 sano, waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ka degtay diyaarad rakaab sidda xili habeen ah, waxayna diyaaradaas ka timid dalka Sucuudiga oo ay ka keentay dad soo gutay waajibaadkii xajka.

Balse uma ahan guul weyn soo hoyatay sida ay u shanqarayso arrinta, waxaa jira caqabado durba muuqanaya in duulimaadyada habeenkii ay si caadi ah u socdaan.

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa albaabada loo laabi jiray 5ta galabnimo maalin kasta, Waxaana la sheegay in ay sabab u ahayd “arrimo la xiriira amniga oo ay adkayd in habeenkii la sugo”, iyo sidoo kale garoonka oo aanan lahayn adeegyadii loogu talagalay in habeenkii ay diyaaradaha ka dagi karaan.

Sida uu sheegay wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka Maxamed Cabdullaahi Salaad, in garoonka uu habeenkii shaqeeyo ayaa waxa ay ka dhigantahay in uu soo hagaagay amnigii guud ee caasimadda.

“Garoonka amnigiisa AMISOM ayaa gacanta ku haysa, laakiin ciidamo badan oo boolis iyo NISA ah ayaa sidoo kale ku sugan, garoonka iyaga ha maamuleen, balse xili kasta oo aan doono ayaan furnaa” ayuu yiri wasiirka oo BBC-da la hadlay.

Ka sokoow AMISOM, garoonka waxaa la sheegaa in ay degganyihiin ciidamo kale oo shisheeye oo Soomaaliya caawiya, waxayna inta badan garoonka isticmaalaan habeenkii, iyada oo dadka reer Muqdisho ay soo sheegaan in habeen kasta ay arkaan diyaarado militari oo ka duulaya ama ka daganaya eelaboorka.

Markii aan wasiirka hordhignay su’aasha ah waxa ay ka ogyihiin arrintaas ayuu yiri “Waan ognahay inta loo baahanyahay in aan ogaano, si qeyb ahaan ah, dowlaha hay’adaheeda kalana waxa ay ka warhayaan inta kale, aniga duulimaadyada rayidka waxa ku saabsan ayaa i quseeya, waanan ka warhayaa”.

  • Weeraro ka dhacay magaalada Muqdisho
  • Xusuusta maanta oo kale 1992: marines-ka Mareykanka ayaa ka degay Soomaaliya
  • Diyaaradihii qaadka Kenya oo Muqdisho ka dagay
  • Garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan wuxuu ka mid yahay bartilmaameedyada ugu sareeya dalka ee ay beegsadaan kooxaha hubeysan ee dowladda kasoo horjeeda, wuxuuna had iyo jeer halis ugu jiraa weerar lagu qaado, sababta ugu weyna waxaa lagu sheegay in ay tahay ciidamada AMISOM iyo kuwa kale ee deggan.
  • Garoonka waxa uu isugu jiraa mid loo isticmaalo labo siyaabood oo kala ah rayid iyo ciidanba, waxaana si joogto ah uga wada dega diyaaradaha shacabka iyo kuwa militariga.
  • Jeneraal Maxamed Ibraahim Guubir oo ah xeeldheere xagga amniga ah oo BBC la hadlay ayaa sheegay in aysan isku haboonayn diyaaraha militariga iyo kuwa rayidka ah “Aad iyo aad ayay arrintaas u dhib badantahay, garoon militari iyo garoon shibil ah ismaba qaataan adduunka, haddii la heli kari lahaa, lagama wada maamuleen hal meel”.
  • Garoonka Aadan Cadde waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay halka ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ugu badan gudaha dalka, iyadoo saanadaha iyo ciidamada nabad illaaliyeyeyaasha ee la’isku badalo ay halkaas kawada degaan.
  • Sidaasi si la mid ah waa garoonka ugu mashquulka badan Soomaaliya ee xagga duulimaadyada rayidka ah. Waxayna ka degaan garoonka xilli maalin ah.
  • Balse caqabadda jirto ayaa ah in garoonka uu leeyahay hal dhabbo oo aanan sidaas u weyneyn oo ay diyaaradaha ku ordaan, mana la oga sida la’isu waafajin karo diyaaradaha tirada badan ee rayidka ah iyo kuwa militiga.
  • In hawlo ciidan ay halkaas ka socdaana waxa ay aad u kordhisay halista ku iman karta shacabka isticmaala garoonka oo qaar ka mid ah ay ku waxyeeloobeen weeraro hore oo loo geystay.
  • Jeneraal Guubir ayaa qaba in la kordhiyo ciidammada hadda ka hawlgala garoonka , wuxuuna yiri “Waa arrin u baahan ciidamo aad u feejigan, aad u tabobaran, garoomada taqasus gaar ah u leh, dhan kastana laga diyaariyo, mar haddii habeen la shaqeynaayo waa in tiradii intii hore ka badataa, diyaaradaha AMISOM iyo kuwa rayidka ah la kala leexiyo, oo kala hago”.
  • Si uu garoon u shaqeeyo habeenkii waxa uu u baahanyahay tasiilaad badan sida leerarka diyaaradaha lagu hago.
  • Wasiirka gaadiidka cirka ayaa sheegay in wax kasta oo adeeg ah oo loogu talogalay in habeenkii uu garoonka ku shaqeeyo loo dhamaystiray, wuxuuna intaas ku daray in mustaqbalka uu rajaynayo in dadka ay baabuurtooda garoonka la galaan.
  • Balse walwalka ugu weyn waxa uu ka taaganyahay dhanka amniga, iyadoo garoonka uu leeyahay taariikh dheer oo ah weeraro isdabojoog ah oo ay ku dhinteen badan.
  • Weeraradan ayaa waxa ay isugu jireen kuwa ismiidaamin ah, iyo hoobiyeyaal laga soo gamay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho. Balse isbadalo amni oo caasimadda ka dhacay ayaa sare u qaaday rajada.
  • Illaa iyo hadda ma jiro duulimaad rayid ah oo ka duulay garoonka, marka laga reebo midda keli ah ee ka soo degtay 23-kii bishan.
  • Garoonka marka laga soo dagayo ayuu amni ahaan ka sahlanyahay marka laga duulayo oo la maro baaritaano aad u badan.
  • Duulimaadyada ugu badan ee garoonka isticmaala ayaa ah kuwa u duula ama ka yimaado gudaha dalka, halkaas oo garoomada ku yaala aysan lahayn tasiilaad ku filan oo ay habeenkii ku hawlgalaan, sidaasi darteedna muddo dheer ayay qaadan kartaa in garoonka Aadan Cadde uu si buuxda habeenkii u shaqeeyo.
  • Jeneraal Guubir ayaa qaba in xilli dhow aysan garoonka Aadan Cadde kasoo dagi doonin xili habeen ah diyaarad gobolada ka timid “Ilama ahan in diyaarad gobolada kasoo duushay ay Xamar ku dagi karto sababo badan awgood, xag nabad galyo iyo xag kastaba”
  • Si kastaba ha ahaatee garoonka Muqdisho oo xirnaa muddo aad u dheer kadib burburkii ayaa tan iyo intii dib loo furay sanadkii 2006-dii wuxuu astaan u ahaa dib usoo laabashada nolosha caadiga ah ee Soomaaliya.
  • Hadda oo la bilaabay in habeenkii la isticmaalana waxa ay iyaduna ka dhigantahay amniga Soomaaliya uu caadi ku soo noqonaya sida uu qabo Jeneraal Guubir.

 

Xigasho BBC Somali

Share Button