Neymar oo “koobab badan” u ballanqaaday PSG

Neymar ayaa wacad ku maray inuu koobab badan kula guulaysan doono kooxdiisa cusub ee Paris St-Germain, ka dib markii ay si weyn usoo dhaweeyeen taageerayaasha naadigaasi.

25 jirkan u dhashay Brazil ayaa lacag dhan 200 oo milyan oo Pound ay PSG uga soo iibsatay kooxda Barcelona, waxaana sanadkii uu mushaar ahaan u qaadan doonaa 40.7 milyan oo Pound inta aan canshuurta laga jarin.

“Waan ku faraxsanahay inaan halkan imaado, oo aan tijaabadan cusub ku guulaysto,” ayuu yiri Neymar oo taageerayaasha PSG kula hadlayay garoonka Parc des Princes.

neymar1

Waxa uu intaa ku daray, “waxaan rabaa inaan kooxdan kula guulaysto koobab badan, si aan taa u gaarana waxaan idinka rabaa garab.”

PSG ayaa kulankii furitaanka horyaalka Ligue 1 waxa ay 2-0 uga badisay Amiens, wallow aanu Neymar u dheelin.

Laacibkan ugu qaalisan caalamka ayaa waxaa kasoo daahay shahaadada la kala wareegiddiisa, sidaa awgeedna kama aanu qeyb gali karin ciyaartaasi.

-BBC

Share Button