Qarax goor dhawayd ka dhacay muqdisho, Wiilka uu dhalay Sheekh Muuse Cawagweyne oo Qaraxa ka badbaaday

download

 

Wararka ka maanaya magaalada muqdisho ayaa sheegaya in goor dhawayd uu ka dhacay qarax aad looga maqlay magaalada muqdisho.

Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa mid lagu xiray baabuur uu la socday Wiilka uu dhalay Sheekh Muuse Cawagweyne.

Wararka naga soo gaarayo Degmada Yaaqshiid ayaa sheegayo inuu qarax ka badbaaday wiil uu dhalay mid kamid ah Culumada ugu caansan Magaalada Muqdisho.

Wiilka Qaraxa ka badbaaday ayaa waxaa dhalay Sheekh Muuse Cawagweyne oo hadal jeedin u sameeyo xubnaha kasoo goosta Kooxda Al-Shabaab.

Waa markii labaad oo uu wiilkiisa ka badbaado isku day khaarijin, isaga oo aaney waxyeelo daran kasoo gaarin falka loo maleegay.

Share Button