Rag Muqdisho ka geysanayay dilal iyo weeraro oo gacanta lagu dhigay iyaga iyo gaarigii ay wateen

Maamulka Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu gacanta ku dhigay 3 Nin oo hubeysan iyo Gaari NOAH ah oo labadii maalin ee u dambeysay Weeraro ka geystay Magaalada Muqdisho.

Gaarigaan ayaa kooxo hubeysan oo la socday maalin ka hor waxa ay Rasaas huwiyeen Gaariga Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada Maamulka Degmada Dharkeynleey Cabdullaahi Xasan Afrax, waxaana ku dhintay Darawalkii Guddoomiye ku xigeenkaas halka 2 kale oo shacab ah ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale shalay ayaa waxa ay weerareen Gaari ay leedahay Xildhibaan Sahro Cumar Maalin oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya taas oo hadda ku maqan Sacuudiga oo ay u aaday gudashada Xajka, laakiin gaarigeeda xilliga la weeraray waxaa ku dhaawacmay Darawalkeeda iyo Nin kale oo la socday oo dalka dibaddiisa ka yimid kaas oo dhalay Wasiir ka tirsan Maamulka Galmudug.

Share Button