Ra’iisal Wasaare Khayre oo Imtixaan Deeq-waxbarasho ah u furay Arday

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa​ ​maanta​ ​imtixaan deeq-waxbarasho ah u furay 2,400 oo arday kuwaas dhamaysatay waxbarashada heerka dugsiga sare, isla markaana ka soo baxay iskuullo ku yaala dalka oo ay​ ​qaadaneyso Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kormeer ku sameeyey dhammaan qeybaha lagu qaadayo Imtixaanaadka, wuxuna bogaadiyey sida hufan ee loo agaasimay hawsha imtixaanka, isagoo dardaaran u jeediyey hawl-wadeenada qaadaya imtixaanka iyo ardayda u fariistay imtixaankan. Waxa uu ardayda u sheegay inay ka faa’iideystaan fursadan muhiimka ah ee hortaala.

“Inagoo og in baahiyo badan oo kala duwan ay jiraan dhanka Waxbrashada, ayaan hadana waxaan diiradda saarnaa baahiyada kuwa ugu muhiimsan inaan sida ugu macquulsan wax uga qabano. Shacabkeena waxaa uu xaq u leeyahay inuu helo adeeg la bixiyo kan ugu wanaagsan dhinac kasta”ayuu yiri R/W oo ka hadlayay muhiimadda ay waxbarashada iyo Imtixaanaadkan u leeyihiin horumarka dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday qoys Soomaaliyeed oo qasaare ka soo gaaray weerar ay koox hubaysan ku qaaday gaari ay saarnaayeen oo marayey gudaha magaalada Muqdisho, waxana uu ilaah uga baryey in intii ka dhimatay uu Janadii geeyo, inta dhaawaca ahna uu u booga dhayo.

khayre-5-3-640x427khayre-4-4-640x427khayre-3-5-640x427khayre-2-5-640x427

Share Button