R/wasaare Xassan Cali Kheyre oo kala dooranaya Oomaar & Beyle

kheyre

Muddooyinkan waxaa sii xoogeysanayey culeys R/wasaare Xassan Cali Kheyre kaga imaanayey xubnaha goleyaasha dowladda federaalka kaga jira gobolada waqooyi, iyada oo xubnahaasi ay soo jeediyeen in xukuumadda lagu soo daro wasiirkii hore ee arrimaha dibedda xukuumaddii Cumar C/rashiid siyaasiga Maxamed Cabdillaahi Oomaar.

Soo jeeditan ayaa bannaanka u soo baxday markii uu saxaafadda la wadaagay Xildhibaan Maxamed Cabdi oo ka tirsan xildhibaanada reer waqooyiga kaga jira BFS, isaga oo xusay in Maxamed Oomaar yahay siyaasi galaangal & xiriir fiican la wadaaga Somaliland, isla markaana suurtagelin kara isu soo dhowaansho dhexmarta 2-da dhinac & in dib loo furo wadahadaladii u dhexeeyey Soomaaliya & maamulka Somaliland ee dunidu aysan weli aqoonsan.

“Maxamed Cabdillaahi Oomaar waa siyaasi bisil oo tolkii & dadka reer waqooyi oo idil ay isu soo taagayaan maadaama qoyskiisu ay taariikh dheer ku leeyihiin goboladaas, muddadii uu ahaa wasiirka arrimaha dibedda shaqooyin waxtar leh ayuu qabtay taas oo sumcad ballaaran u soo jiitay xukuumaddii Cumar C/rashiid” Ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdi, wuxuu intaasi ku daray in R/wasaare Kheyre u sheegay inuu ka aqbalay soo jeedintooda.

Share Button